ARRIMAHA BULSHADA Nolosha Jilayaasha WARARKA MAANTA

Maxaad uga baahantahay inaad ka ogaato taxanaha turkiga gilgilay kaasoo maanta si rasmi ah uga bilowday Astaan Drama?

Taxanaha Hercai waa taxane cusub oo dhawaan laga sii daayay kanaalka turkiga ee ATV waxaadna asigoo afsoomaali ah kala socon kartaa Astaan Drama asigoona toos usoo gali doono markuu dhamaado taxanaha Jaceylkii Kirada.

Hercai waxaa hogaamiye ka ah aktarka Akin Akinozu waxaana ku wehliso atariishada dhalinta yar ee Ebru Sahin asigoona si rasmi ah ATV looga sii daayay 15kii Maarso 2019ka waxaana ilaa iyo haatan la daawaday 12 xalqo oo ay xalqadiiba celcelis ahaan soconeyso 2 saaco iyo 20 daqiiqo.

Taxanahaan ayaa labo isbuu kahor joogsatay maadaama la galay xiligii fasaxa waxaana dib loo bilaabi doonaa duubistiisa bisha Sebtembar ee sanadkaan.

Taxanahaan oo ah mid fariintiisa si heer sare loo dhigay ayaa durba wuxuu la kulmay soo dhaweyn waali ah asigoona Ratinkiisa ATV uu yahay mid aad u sareeyo sidoo kalana xalqadiisa koowaad ay Youtubka ka daawadeen in kabadan 20M.

Haatan asigoo turki ah ayuu Youtubeka yaalaa waxaana insha’allah dhawaan ayaan sheekadiisa idiinla wadaagi doonaa.

Related posts

Maxay tahay sababta islaamka u baneeyay in xaasaska la badsado? Mase la dhihi karaa arinkaas waa akhlaaq daro? Diimaha kalase ma ogolyihiin in hal xaas kabadan la guursado? Iyo jawaabtii Dr.Zakir Naik.

Day 2 Morning Update: Filimka De De Pyaar De bilaabasho wanaagsan ayuu la yimid

Zakarie

Shah Rukh Khan Oo Jeclaan Lahaa Inuu Akshay Kumar La Shaqeeyo Hadii Arinkaan Xal Loo Helo!!

Ali Aadan

Sawiro; xafladii aroos ee quruxleyda turkiga Amine Gulse iyo Mesut Ozil.

Dhageyso barnaamijka LIVE NOW (23 May 2019) Warar Sport Update ah kaga bogo

Zakarie

Ma Ogtahay Tiger Shroff In Uusan Kaligiis Seexan Karin Qol Weyn Iyo Sababta Oo La Ogaaday!!

Ali Aadan