Maxaan Ka Baranay Ciyaarihii Xalay La Daawaday Ee Tartanka UCL-ka Wareega 8-aad Lugtiisa 2-aad Iyo Waxyaabihii Dhacay:

Xalay waxaa hardameen kooxa kala ah Barcelona Vs Man United iyo Juventus Vs Ajax waxayna guusha raacday oo afar dhamaadka UCL-ka usoo gudbeen Barcelona iyo Ajax kadib markee Barca 4-0 ku reebtay United wareega 8-aad iyo Ajax oo 3-2 wareega 8-aad kaga takhlustay Juve.

Hadaba waxaan idiin heynaa waxyaabo cajiib ah oo kulmadan xalay laga bartay hoos kaga bogo:

1-Messi ayaa soo afjaray baahidii ka heesatay inuusan wax gool ah ka dhalin tartamayada yurub wareega 8-aad waxaana ugu dambeysay 2013 balse xalay 2 gool ayuu United ka dhaliyay lugta 2-aad wareega 8-aad ee UCL.

2-Taageerayaasha Ronaldo ayaa Real Madrid ku camirteen markii wareega 16-ka ee tartankan lagu soo reebay oo ay kusoo reebtay Ajax waxaana la lahaa Ronaldo oo Real kamaqan UCL ma qaadi doonto waxaana dhacday xalay in Ajax ay tartankaan ka reeben Ronaldo iyo kooxdiisa.

3-Man United ayaa ku guul dareesatay inee soo laabasho mucjisa ah sameeyso sidii PSG oo kale xalayna waxaa lagu xasuuqay garoonka Barca oo 3-0 looga badiyay taariikhda ayaa xusi doonto sida United xalay loogalay.

4-Ajax ayaa cirka mareyso waxaana bilaawatay in looga cabsado hader ineeba ku guuleystaan sanadkaan UCL-ka waa koox si dar-dar ah ku socoto difaac ahaan iyo weerar ahaana ciyaar yahanadeeda waa kuwa in badan is fahamsan.

5-Mr.Champion waa soo idlaatay: oraahdan ayaa caan noqotay balse CR7 waa ku guul-dareestay xalay inuu kooxdiisa wareega afar dhamaadka usoo saaro waa run wuu dadaalay xidigaan balse nasiibka ayaa ka hiiliyay Ajax oo aan waxba laga qaban karin ayaa meel saartay xalay.

Dhamaad…

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin Oo Ku Dhufato Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah Kudhufo Mahadsanid…

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*