Nolosha Jilayaasha WARARKA MAANTA

Maxay Hada Kahor U Ilmeysay Xidigta Neetu Singh Kapoor Inta Lagu Gudajiray Duubista Filimka Yaarana Iyo Sababta Kadambeysa Oo La Ogaaday!

 

Sidaan wada ognahay Bollywoodka waxaa iska guursadeen lamaanayaal fara bada kuwaaso aan tiro koob laheen aadna magac u leh, hadaba xidigahaas waaweyn ee iska dhexdoortay Bollywoodka waxaa kamid ah Rishi Kapoor iyo Neetu Singh Kapoor.

Rishi iyo Neetu markii ugu horeysay ay kulmeen waxay kukulmeen oo ay isku arkeen inta lagu guda jiray duubista filimka Bobby balse waxay sifiican isugu barteen ooyna isku fahmeen filimka Zehreela Insaan.

waxaa lashegay filimkii Kabhi Kabhi markee wada jilaayen inee ahaayen lamaane aad isugu waalna sido kalena jaceyl xad dhaaf ah xiligaas isku hayeen, ugu dambeyn waxay isguursadeen oo ay aqal galeen sanadkii 1980kii.

nikaaxi ama guurki kadib ayee Neetu bilawday duubista heeska kujirta filimka Yaarana kaaso ay la waday Mega Star Amitabh Bachchan waxayna ku duubayen ama ku qaadayeen howl weyn oo kuyaala Kolkata halka Rishi uu isna xiligaas joogay Mumbai.

duubista heeska waa la bilaaway dad weyna aad ufarabadana wey kasoo qeyb galeen ayagoo daawanaya xidigaha ay taagerada u yihiin oo masraxa kuheesaya kuna ciyaaraya, hadaba heeskii waa lajoojiyay waxaana la goaansaday qeybta dhiman in la duubo habeen maadama qeybta hore maalin la duubay.

intaa kadib waxaa dhacday in la arkay Neetu oo ilmeyneesa kaligeedna meel fadhida murugeysan dadka oodhan aadbe ola yaaben, waxaa markaa soo istaagay Big B asigoo walibana weydiyay Neetu murugta heysa iyo waxa ka oohiyay, waxayna u sheegtauy in ay uxiistay Rishi Kapoor sido kalena asan La’aantiisa joogi karin.

Wey cidlootay maadama jadwalka ahaa heeska maalinta qura in lagu soo gaba gabeyo sida awgedna ay habeen noqotay aadbe ugu xiistay jaceylkeeda hadana ma jirin xiligaas tel ay kawacdo uma dhaween, dhanka kale Rishi dhankiisa aadbu oga walwalsanaa xaaskisa xiligaas.

intaa kadib Amitabh wuxuu sameyay film soosaraha ayuu la hadlay asigoo ushegay in gabadhan la fasaxo waliba Mumbai loo diro si ay seyigeeda ula kulanto wuxuuna ugu daray dhanka heeska dhamestirkiisana aniga iidaa ayuu yiri kaligey ayaa dhameystiraayo.

sidaas ayee neetu ubaxday ayadoo hilow iyo kalgacal u qabta xaajigeda uguna kulantay sidhaqsi ah Amitabh Bachchan na asiga ayaa heeska qeybtii kale dhameystiray aad ayeena ugu mahadcelisa Big B habeenkas murugada heysay iyo sida fudud uu u caawiyey.

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin ku dhufato Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah ku dhufo Mahadsanid…

Related posts

Daawo: Salman oo SRK ka maseersan dagaalkii Aish iyo Manisha iyo maanta maxaa cusub:

Zakarie

Rasmi: Filimka De De Pyaar De iyo mudo labo todobaad ah ganacsiga uu sameeyay

Zakarie

De De Pyaar De oo kaalinta 6-aad ka galay aflaanta 2019 Isniintooda kowaad lacagaha ugu badan soo xareeyeen

Zakarie

Shilpa Shetty “filim jilista waxaan ka jeclahay inaan qoyskeyga waqti la qaato” (+sawiro)

Jabriil Abdikadir

Rasmi: Suldaan Mahesh Babu oo shaaca ka qaaday filimkiisa 26-aad macluumaad ku saabsan

Zakarie

Jhanvi Kapoor Oo Miisaankeeda Kordhisay Si Ay Kaga Run Sheegto Doorkeeda Filimka Looga Hadlaayo Nolosha Gujan Sexena

Jabriil Abdikadir