Maxay tahay maadada uu ka cabsan jiray Hrithik Roshan xiligii uu iskuulka dhigan jiray

Bollywood Superstar Hrithik Roshan ayaa saxaafada la wadaagay waagiisii hore xiliga uu ahaa arday iskuulka dhigto maadada uu ka cabsan jiray inuu ku dhaco ama buundo yar ka keeno.

Qof walbo la yaab ayay ku noqotay markii uu Hrithik Roshan ka dhawaajiyay in maadada xisaabta uu waligiis ka cabsan jiray inuu ku dhaco.

Hadalka Hrithik ayaa kusoo beegmayo xili uu duubayo filimka Super 30 ee looga hadlaayo nolosha xisaab yahay Anand Kumar kaasi oo ah Profesor xisaabta looga haray sidoo kalena barnamijyo badan oo dhanka xisaabaadka lagu adeegsado kumbuutarada soo kordhiyay.

Hrithik Roshan wuxuu yiri “Cabsida iigu weyn waxay isoo martay fasalka 12-aad markii aan dhameenayay madaama aan ka wal walsanaa ku dhicista maadada xisaabta oo aan waligeey ku liidan jiray sidoo kalena aan necbaa”

“Laakiin hadda waqti wacan ayaan ku qaadanayaa diyaarinta filimka actions ah kaaso ay isla jilayaan aktarka Tiger Shroff waxaana filimkan maal-gelinayso shirkada Yash Raj ”

sidoo kale Hrithik waxaa u diyaarsan Filimka Super 30 waxaa Director ka ah Vikas Bahl  waxaana la daawan doonaa 25 july 2019.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*