Maxay Tahay Sababta Katrina Kaif  Xaflada Ay Dhigato Aysan Si Wadajir Ugu Casuumin  Labada Aktar Ee Kala Ah Shah Rukh Khan Iyo Salman Khan 10 Sano Ugu Dambeesay

Xidigaha Bollywoodka usbuucan gudihiisa waxay ku guda jiraan dabaal daga munaasabada ciida masiixiga oo ku beegnayd  25 December Bollywoodka iyadoo xidigahaas intooda badan ayaa munaasabadan u dabaal dagaan ama taageerayaashoda baraha bulshada oga hambalyeeyaan

waxaan xidigahaas ka mid ah atariishada lagu magacaabo katrina kaif atariishadan ayaa xafladeeda kaliya ugu yeertay qaar ka mid asxaabta ay ku leedahay bollywoodka iyo dadka socda qoyskeeda

 

katrina kaif waxa ay saaxiibo dhow la tahay sadexda khans gaar ahaan salman khan iyo shah rukh khan laakiin atariishadan ayaa la sheegay inay muddo 10 sano ah aysan labadooda ku casuumin xafladayda ha noqoto mida dhalashadeeda iyo kan christmas

waxaana arrintaas sababtay dagaal kaaso dhacay sanadkii 2008 xilli katrina kaif aya xafladayda dhalashada ay kuwada marti-qaaday salman khan iyo shah rukh khan oo xiligaas ay ka dhexeysay xarguf iyo dagaal soo jireen iyagoo mar walba necbaa inay isku arkaan goobaha bulshada

waxaana dhacday inee ku kulmaan xaflada dhalasho ee Katrina Kaif iyadoo shah rukh khan oo cabsan uu bilaabay inuu ka hadlo arrimo ku saabsan salman khan gacalisadiisa hore ee aishwarya rai

waxaana midaas ay ka careysiisay salman ka dib halkaas ayee aflagaado xun isugu geysteen xidigahan xili dadka oodhan ay wada maqlayaan xitaa Katrina ka xumaatay falka ay sameyeen xidigahan

iyadoo katrina kaif ay xiligaas ka dib go’aansatay inaysan mar dambe xafladayda aysan si wadajir ugu marti qaadin labadan aktar iyadoo ka cabsanaysaa midii hore u dhacday inaysan mar dambe soo laaban