Maxay tahay sababta ku qasbeyso kooxda News Day iney markasta ahaadaan kuwa wada jira maxayse tahay dhibta ay keeni karto hadey kala tagaan?

Xavier Woods oo katirsan kooxda musaaracada ciyaarta loona yaqaano New Day ayaa wareysi uu siiyay wargeys dhawaan kaga hadlay arimo badan kuwaasoo xa ciriiro noloshiisa gaarka ah iyo shaqadiisa musaaracada WWE.

Woods oo ugu horeyn ka hadlaayay asal ahaan meesha uu magaciisa kala soo baxay ayaa sheegay inuu yahay mid kamid ah jilayaasha filimka caanka noqday ee X-Men.

Sidoo kale Xavier Woods ayaa ka hadlay aragtidiida in ay sii wada jiraan kooxdiisa New Day taasoo uu kula mideysanyahay saaxiibadiisa Big E iyo Kofi Kingston.

 

Woods oo arinkaas ka hadlaayay ayaa yiri “inaan wada jirno misna kala tagin waa arin aad noogu muhiim ah” asigoona ku tilmaamay  talaabada ay koox ku yihiin iney tahay mida ugu haboon wuxuuna intaas ku daray iney tahay talaabadii ugu fiicneyd ee ay qaadeen noloshooda WWE iney aheyd markii ay aasaaseen kooxd New Day.

Wuxuu sheegay mudadii ay kooxdaas dhisneyd iney gaareen guulo waaweyn wuxuu sidoo kalana sheegay in kooxdaas ay u damaanad qaaday in si joogto ah uga soo muuqdaan bandhigyada TV-yada .

 

Xavier Woods ayaa ugu dambeyn sheegay in bur-bur ku yimaada kooxda New Day uu sababi karo iney waayaan fursadooda qaaliga ah iyo kasoo muuqashadooda joogtada ah ee Bandhigyada WWE.

 

Adiga ahaan kooxda New Day side u aragtaa ma iney sii jirto? Mise in lakala diraa?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*