Maxay Tahay Sababta Markasta Kartik Aryan Loogu Yeero Magaca Sara Ali Khan

kartik aryan iyo sara ali khan ayaa abuurayn hadal-hayn ka dib markii sara ali khan ay kaa qayb-gashay showga weyn koffe with karan iyadoo halkaas ka qiratay inay jeceshahay inay xariir la yeelato aktarka kartik aryan

inkastoo labadan aktar aysan qiran inuu xariirka jaceyl ka dhaxeeyo laakiin aktarka kartik aryan waxaa dhawaanahan si weyn u daba dhigtay magaca sara isagoo loogu yeero magacaas barnaamij walba tv-yada ka baxa oo aktarkan ka qayb-galo

aktarkan ayaa dhawaan waxa uu xayeesiin u sameenaya filimkiisa lukka chuppi kaaso dhawaan tiyaatarada loo saari doonaa kartik si uu xayeesiin filimka ugu sameeyo waxa uu ka qayb-galay dhawr show sida kapil sharma show, koffe with karan , dance +4 iyo kuwa kale oo badan

laakiin dhamaan inta show uu ka qayb-galay waxaa aktarkan si weyn loogu dhibay yeerida magaca atariishada sara ali khan taaso aktarkan mar walba ka dhigtay mid iska aamusan laakiin maxaa keenay kartik aryan in markasta loogu yeero magaca sara ali khan

kartik aryan ayaa dhawaan waxa uu kasoo muuqday showga koffe with karan isaga iyo atariishada kriti sanon aktarkan ayaa halkaas waxa uu ku qiray inuusan shukaansan sara ali khan

iyadoo barnaamijkaas uu leeyahay tartan kala duwan kartik aryan iyo kriti sanon ayaa waxa ay ku tartamayn tartan kaaso ah inay mobile-kooda ka wacaan aktar ka mid bollywoodka laakiin waxaa cajiib ah kartik aryan inuu wacay sadexa atariisho iyadoo atariishad kowaad ee kartik uu wacay ay ahayd sonakshi sinha isagoo ku xijiyay ananya pandey

laakiin waxaa la yaabay qofka sadexaad uu kartik aryan uu waxay inay noqotay sara ali khan iyadoo saxaafada ay sheegayn in hadii kartik aryan uu diiday inuusan shukaansan sara ali khan sida uu ku helay lambarka sara ali khan micnaha waxaa meesha ka cad inuu jiro xariir u dhaxeeya sara ali khan iyo aktarkan