Maxay Tahay Sababta Shah Rukh Khan Ku Qasabtay Inuu Waqti Hore Guursado ( Shah Rukh Khan ha inooga jawaabo)

shah rukh khan kaliya maahan aktar aflaamta sameeya sidoo kale hadaladiisa waa kuwa leh xikmad iyo soo jiidasho dheeraad ah waana mid uu kaga duwan yahay aktarada kale

shah rukh khan marka uu ka qudbeenaayo ama uu hadal kasoo jeedinaayo goobaha bulshada waa mid si fiican ugu hadla waxyaabaha rasmiga ee xiligaas taagan

isaga waa nin dad badan ay ku dayadaan sababtoo ah waa aktar dhan walba ka dhamaystiran iyadoo dad badan ay la yaaban yihiin sababta shah rukh khan ku kaliftay inuu goor hore guursado

shah rukh khan waa aktar ay ku riyooto gabar weliba shah rukh khan ayaa dhawr jeer la weydiiyay su’aalo ceynkaas ah isagoo mar walba bixiya hal jawaab oo kaliya

shah rukh khan ayaa la weydiiyay sababta ku kaliftay inuu goor hore guursado isagoo  shah rukh khan arrintan ka hadlaya ayaa waxa uu yiri “haddii ay ay ku midoobaan calafka iyo jaceyl adiga ma noqon kortid mid awood leh sidaas darteed aniga ma ihi qof ka awood badan karaa labadaas”

taaso shah rukh khan uu ku micneeyay inuu Gauri Khan uu u guursaday in marka hore u jaceyl xad-dhaaf ah u qaaday sidoo kalena ay noqotay calafkiisa

shah rukh khan ayaa gauri khan guursaday sanadkii 1991 ka dib lix sano oo ay wada socdayn iyagoo hadda waalid u ah sadex caruur oo kala ah aryan oo dhashay 1997 suhana oo dhalatay 2000 iyo abram oo dhashtay sanadkii 2013