Maxay Tahay Sababta Shilpa Shetty Oga Qeyb Gali Weysay Xaflada Aroos Ee Saaxibted Bipasha Basu Sanadii 2016?

 

Waxaa laga war yaha  in Bipasha iyo Shilpa ay ka dhaxeyso saaxiibtinimo xoog leh, sidoo kale labadaan jilaa waxay iskala qeyb galeen dhowr xafladood iyagoona isla qaata waqtiyada ay fasaxa yihiin.

Hadaba Bipasha arooskeeda ayaa la qabtay taariikhda marke ahed 30 April sanadki 2016  waxayna arooskeda ku casuuntay dad badan ineey kasoo qeyb galaan xaflada arooskeeda, waxaana ugu horeeyay dadka la casuumay Shilpa Shetty.

Balse nasiib xumo Shilpa ayaa niyad jabisay saaxiibadeed, waxayna ugu cudur daaratay ineeysan kasoo qeyb gali doonin xaflada arooskeeda arimo ayada u gaar ah aawgd.

Shilpa ayaa la sheegay iney u duushay maalinta arooska dhici lahaa maalin ka horeysay Nairobi, waxayna ka qeyb galesay xiligaas xaflad ay qaban qaabisay Hay’ad NGO ah oo ay qeyb ka tahay.

Taasoo caawisa dadka qaba cudurka Kansarka sidaa aawged Shilpa waa ay kasoo gaari weysay arooska saaxiibaded ee Bipasha Basu waana sababta ay oga baaqatay arooska.

Balse saxaafada oo hadal raadis ayaa wixii markaas ka dambeyay xan ka qoreen labadan atirisho in colaad dhex martay sidaasna Shilpa oga qeyb gali weysay wararkaas waxkama jiraan ah Shilpa ayaa saxaafada u sharaxday ayadoo usheegtay cudur daarka aan sare kuxusnay.