Maxay Yihiin Waxa Ranveer Singh Sidaan Dhan Ugu Qoslay Ee Ay Deepika U Sheegtay? Nala Ogow (+Sawiro)

 

Deepika Padukone iyo Ranveer Singh waxay kamid yihiin lamaanayasha ugu caansan Bollywoodka sido kalena ka dhabeyeen xiriirkoda ayagoo waqtigaan nin iyo xaaskisa ah.

Xidigahan ayaa in badan la hadal hayey in ay isguursan doonan ugu dambeyna 15 Nov 2018 ayee ka dhabeyeen rajada taageerayaashoda maadama aroos qaas ah ay kudhigteen Italy iyo xaflado waaweyn oo India ah.

Hadaba sidaan lawada socono Deepika ma aha shaqsi baraha bulshada inta badan Online ka ah mar mar ayeena hawada soo gasha inkastoo jamaahir fara badan ay ku leedahay baraha bulshada sido kalena loo aqoonsaday gabadha India kasoo jeeda mida ugu taageraha badan dhanka baraha bulshada marka loo eego dadka ku xiran Twitterkeda iyo aaladaha kale ee ay isticmaashaba.

Deepika ayaa barteeda Instagramka soo dhigtay sawir yar kaaso ah mid lasoo sameyay waxaana la yaab noqotay Ranveer Singh oo qosolka ka dhamaaday inkastoo xidigahan qoraal ahaan soo qoray “HaHaHa” hadana waxaa hubaal ah in si dhab ah uu u qoslay maadama uu  arkay Deepika oo dadka la kaftameysay.

Bale maxay yihiin waxaa ka qosliyay Ranveer sido kalena waxaa Like dhaheen oo ka heleen sawirkaas Ranveer, Varun Dhawan iyo jamaahiir kale.

Halkaan Hoose Kaga Bogo Sawirka Sifiican Adoo U Daawanayo:

Deepika