Maya Jaceyl : RRR vs Shamshera Alia Bhatt Oo Diyaar U Ah Inay Jaceylkeeda Ranbir Kapoor Kula Dagaalanto Boxx Office-ka Eid 2020

iyadoo maanta oo Khamiis ah kooxda filimka RRR ay kulan la qaatayn saxaafada si ay ugu shaaciyaan war xiiso badan taaso ku aadan in filimkooda RRR kaaso ay hogaaminyaan labada aktar ee kala ah Ram Charan iyo jr NTR waxaana haddda lagu soo daray labada aktar  awoodda badan ee kala ah Ajay Devgan iyo Alia Bhatt

sidoo kale Director Ssrajamouli waxa uu xaqiijiyay xiliga rasmiga ee la daawan doono mashruucan weyn isagoo sii calaameestay in filimka RRR la daawan doona dabaal-daga maalinta Eid sanadka dambe

iyadoo dhawaan kooxda filimka Sooryavashi ee uu ugu horeeya Director Rohitt Shetty ay shaaciyeen in filimkooda la daawan doono Eid 2020 waxaana hadda macquul ah inay taariikhda badashaan maadaama meesha uu soo galay mashruuca RRR

waxaana xiisaha sii korhinaya isku dhaca Alia Bhatt iyo Ranbir Kapoor maadaama  Eid 2020 u hore u calaameestay aktarka Ranbir Kapoor iyo shirkada Yash Raj Films kuwaaso wataan filimka Shamshera  kaaso uu la wado aktarka Sanjay Dutt waxaana  Eid 2020 dhici doona isku dhacyadii ugu weynaa taariikhda fanka india maadama hal wakhti lawada daawan doono aflaamo waa weyn.

fasaxa maalinta Eid waa mid ka mid ah maalmaha xiliyada qaaska ee aflaamta ay sameeyaan ganacsi wacan maadaama maalinta India oo dhan ay ka jirto fasax wayn taaso qof walba u suurta-gelin kartaa inuu soo aado tiyaatarada

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*