Mission: Impossible – Fallout iyo mudo 10-maalmood ah ganacsiga uu USA iyo suuqyada caalamka ka sameeyay

Superstar Tom Cruise filimkiisa Mission: Impossible – Fallout ayaa u suura gashay todobaadkiisa labaad sedexda maalmood ugu horeyso inuu keeno $35M gudaha USA Boxoffice asigoo hogaanka u haayo filimada Hollywood-ka ee masraxa Mareekanka saaran mudo mudo 10-maalmood ah.

Filimka MI6 haatan $125 million ayuu ganacsigiisa USA Boxoffice ku dhow yahay mudo 10-maalmood ah waana ganacsi heer sare ah.

Suuqyada caalamka MI6 wuxuu kasoo xareeyay $76M todobaadkiisa labaad sedexda maalmood ee ugu horeyso taasi oo ka dhigan wadarta guud inuu suuqyada caalamka ka keenay mudo 10-maalmood ah $205 million.

Filimka MI6 wadarta guud USA Boxoffice iyo suuqyada caalamka wuxuu haatan soo xareeyay $329.5 million marka la isku daro waana ganacsi muujinaayo Tom Cruise filimkiisa inuu meel fiican hiigsanayo.

Fadlan hoos kaga bogo taxanaha Mission Impossible iyo lixdiisa qeybood lacagaha ay soo xareeyeen USA Boxoffice iyo suuqyada caalamka:

Mission Impossible (1996) – USA Boxoffice ($180.98M) + Suuqyada caalamka ($276.71M) = $457.69M (Wadarta Guud Dibad +Dal)

Mission Impossible II (2000) – USA Boxoffice ($215.98M) + Suuqyada caalamka ($330.97M) = $546.38M (Wadarta Guud Dibad +Dal)

Mission Impossible III (2006) – USA Boxoffice ($134.02M) + Suuqyada caalamka ($263.82M) = $397.71M (Wadarta Guud Dibad +Dal)

Mission Impossible 4 (2011) – USA Boxoffice ($209.39M) + Suuqyada caalamka ($485.31M) = $694.71M (Wadarta Guud Dibad +Dal)

Mission Impossible 5(2015) – USA Boxoffice ($195.04M) + Suuqyada caalamka ($487.67M) = $682.71M (Wadarta Guud Dibad +Dal)

Mission Impossible 6 (2018) – USA Boxoffice ($124.81M) + Suuqyada caalamka ($205.00M) = $329.81M (Wadarta Guud Dibad +Dal) Waa ganacsigiisa mudo 10-maalmood ah.