Morning Update Day 1: Filimka Kalank oo si wanaagsan subaxan gudaha Hindiya kaga furmay

Filimka weyn Kalank ee hogaamiyaasha ka yihiin Sanjay Dutt, Madhuri Dixit, Varun Dhawan, Alia Bhatt, Sonakshi Sinha iyo Aditya Roy Kapur ayaa si wanaagsan subaxdii hore ku furmay oo ah 35% ilaa 40% sida shabakada Boxoffice India (BOI) soo daabacday waxaana ka bilaabasho wanaagsan oo kaliya filimka Kesari ee Akshay Kumar sameeyay subaxdii hore.

Kalank waxay isku bilaabasho yihiin filimka Gully Boy balse Kalank waa filimka weyn Gully Boy oo tiyaatarada Single Screens iyo Multiplex si isku mid ah looga daawanayo una dheer tahay fasaxa yar ee maanta Hindiya ka jiro feestada Mahavir Jayanti taasi oo ka caawin doonto maalintiisa kowaad inuu ganacsi heer sare ah sameeyo.

Kalank goos gooskiisa dadka wey ka heleen balse Action heer sare ah iyo hal ama labo heeso oo saameyn weyn yeesheen filimkan ma lahayn haddii labadaas uu lahaan lahaa maalinta kowaad wuxuu noqon lahaa filimka ugu bilaabashada wanaagsan 2019.

Kalank wuxuu heestaa fursad qaali ah asigoo si wanaagsan ku furmay maanta waxaa usii dheer Jimcada fasax yar inuu jiro sidoo kalena Sabti iyo Axad wey u harsan yihiin taasi oo ka dhigi karto mashruucan ganacsi heer sare ah inuu sameeyo shantiisa maalmood ugu horeyso.

Fadlan Sample-ka hoose kaga bogo filimka Kalank sida uu subaxan kaga furmay magaalooyinka waa weyn iyo Shows-ka laga daawanayo ama shaashadaha laga daawanayo magaalo walbo sidoo kalena aan la bar bar dhignay sidii uu shalay subaxdii hore:

Delhi NCR: Arbaco subaxdii hore (35% & 1070 shaashad)

Mumbai: Arbaco subaxdii hore (30% & 1290 shaashad)

Pune: Arbaco subaxdii hore (10% & 450 shaashad)

Bengaluru: Arbaco subaxdii hore (25% & 350 shaashad)

Hyderabad: Arbaco subaxdii hore (50% & 300 shaashad)

Kolkata: Arbaco subaxdii hore (20% & 350 shaashad)

Ahmedabad: Arbaco subaxdii hore (20% & 400 shaashad)

Chennai: Arbaco subaxdii hore (25% & 130 shaashad)

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*