Home BOX OFFICE Morning Update: Filimka Super 30 oo ku furmay si gaabis ka muuqato...

Morning Update: Filimka Super 30 oo ku furmay si gaabis ka muuqato subaxan

 

Superstar Hrithik Roshan wuu soo laabtay mudo labo kadib waxaa subaxan tiyaatarada loo saaray filimka Super 30 mana ahan mashruuc hadal heyn xoogan xambaarsan sidoo kalena fariintiisa tahay mid si adag fagta hore ku furmi karo madaama mada daalo dhameestiran uusan laheyn oo uu kaliya isku haleenayo fariintiisa waaqiciga ah dadka fagta hore daawadaan inay amaanaan.




Haddaba filimka Super 30 wuxuu maanta subaxdii hore xiliga Hindiya ku furmay si gaabis ka muuqato oo ah 15% ilaa 20% maanta waa maalin shaqo waxaa la rajeynaa galabta iyo caawo fiidkii filimkan sare u kac inuu sameyn doono si uu maalintiisa kowaad ganacsi wanaagsan u sameeyo.

Filimka Super 30 wuxuu isku haleenayaa fariintiisa oo qof walbo siweyn u amaanayo gaar ahaan kuwa aflaanta ka faaloodaan waxaana la rajeynaa daawadayaasha suabxda hore u daawasho tageen ayagana inay war fiican ka faafiyaan mashruucan oo sababi doonto laga bilaabo galabta ilaa caawo fiidkii si adag inuu u gadmo madaama la saaray filimkan 3200 ilaa 3300 tiyaataro ah sida wararka hordhaca ah aan ku heleyno.




Fadlan hoos ka eeg filimka Super 30 subaxdii hore saakay sida uu kaga furmay qaar ka mid ah magaalooyinka ugu waa weyn gudaha Hindiya waana halka cabirka saxda ah laga qaadan karo:

Delhi 20% (852 shaashad)

Mumbai 10% (906 shaashad)

Pune 10 (328 shaashad)

Bengluru 25% (300 shaashad)

Hyderabad 40% (216 shaashad)

Kolkata 20% (267 shaashad)

Ahmedabad 15% (295 shaashad)

Chennai 10% (70 shaashad)

Filimka Super 30 10 Crore ka hoose maalinta kowaad haddii uu ganacsi ahaan ku furmo waa bilaabasho niyad jab ah sidaa darteed waxaa qasab ah mashruucan si adag inuu sare u kac u sameeyo maalinta kowaad si Hrithik Roshan awoodiisa ganacsi u dhigmo uu u sameeyo maalinta kowaad.




WARARKA UGU DANBEEYAY

Wararkii ugu dambeeyay Koonfur Hindiya: Tamil, Telugu, Malayalam iyo Kannada maxaa ka jiro

  Maalin wanaagsan dhamaan aqristayaasha shabakada Filimside ku xiran kuna soo dhawaadao barnaamijkeena aan idin kula wadaagno warbixino kooban oo ku saab saabsan dhanka fanka...

Ahan Shetty iyo Tara Sutaria filimkooda Tadap oo dib u dhac ku yimid duubistiisa

  Ruug cadaa Suniel Shetty wiilkiisa Ahan Shetty waxaa lagu soo caan bixinaa filimka Telugu ah ee Blockbuster-ka weyn noqday RX 100 oo loo bixiyay...

Rasmi: Filimka The Lion King iyo Isniintiisa kowaad ganacsiga weyn uu sameeyay

  Filimka Hollywood-ka ah The Lion King ayaa hoos u dhac 30% sameeyay Isniintiisa kowaad ganacsi ahaan marka lala bar bar dhigo Jimcadiisii kowaad lacagaha...

Rasmi: Filimka Super 30 iyo ganacsiga adag uu sameeyay Isniintiisa labaad

  Superstar Hrithik Roshan filimkiisa Super 30 ayaa ganacsi adag sameeyay Isniintiisa labaad wuxuuna keenay 3 Crore ($434k) waxayna ka dhigan tahay mudo 11-maalmood ah inu soo...