Mudo daqiiqad gudaheeda ayuu ku helay 94 Million oo doolar.

Nin u dhashay wadanka Britain ayaa lagu soo waramayaa inuu ku guuleystay bakhtiyaa-nasiib asigoona helay lacag dhan 71 Million oo gini una dhiganta 94 Million oo dolar.

Ninkaan oo sida lagu soo waramay 58 jir ahaa isla markaasna mudo 24 sano ka shaqeynaayay warshad waxyaabaha adkayaasha sameysa ayaa mardhow shaqadaan ka fariistay wuxuuse nasiib u yeeshay in uu lacag aan caqli gal aheyn mudo daqiiqad gudaheeda ugu guuleysto.

Asigoo saxaafada la hadlayay kadib markuu guuleystay ayuu dhahay; “Bakhtiyaa-nasiibkaan waxaan ka qeyb qaadanayay tan iyo markii la bilaabay waxaana ahaa mid maalinkasta ku celceliya inaan maalin taajir noqon doono nasiibkana I saacidi doono”.

Ma ahan ninkii ugu horeeyay ee nasiibka saacido kaasoo lacago intaan la eg ku guuleystay waxaase jiraan dad badan oo horay nasiibka u saaciday kuna guuleystay bakhtiyaa-nasiib.