Nolosha Jilayaasha WARARKA MAANTA

Muranka Badan Kangana Waxa Uu U Horseeday Inay Weeyso Filimka Looga Hadlaayo Nolosha Nolosha Jayalalitha Kaaso Ay Ku Qaadan Lahayd Lacagihii Ugu Badnaa ( Haddaba Atariishadee Ayaa Lagu Badalay)

iyadoo atariishada Kangana ay dhawaan qaadatay cinwaanada ay qaadata ka dib markii ay saxiixatay filim looga hadlaayo nolosha wasiiradii hore ee gobolka Tamil J. Jayalalitha taaso ka mid ahayd shaqsiyaadka ugu caansan dalka india

sidoo kale Kangana ayaa waxa ay filimkan ku qaadan lahayd lacagihii ugu badnaa oo ay atariisho filim ku qaadato iyadoo filimkan samayntiisa lagu siin doona 24 crore ($3.44 m)

Kangana Ranaut ayaa dhawaan waxa ay laga doonayay inay isku diyaarisobarashada luuqada Tamil iyadoona laga rabay inay durba bilowday xiisada luuqadaaas lagu barto

laakiin hadda waxaa soo baxay war naxdin u ah Atariishadan ka dib markii shaaca laga qaaday in laga saaray hogaaminta filimkaas taaso lagu sababeeayay in atariishadan inay xooga saartay waxyaabo aan muhiim ahayn sida muranka iyo inay saxaafada dadka ku aflagaadayso halka ay xooga saari lahayd isku diyaarinta filimkan kaaso duubistiisa ay ka hartay wax yar

waxaana Director AL Vijay uu go’aansaday in Kangana Ranaut uu ka saaro filimkiisa isagoo hadda la saxiixday atariishada Vidya Balan taaso si fiican  u taqaana luuqada Tamil sidoo kalena ah atariisho leh hab jiliin heer sare ah

Kangana ayaa waxaa ku xumaanaya waqtiga maadamaa qof walba markaan uusan doonayn la shaqayntayda waxaana midaas u sabab ah dabeecad xumadayda iyo afkeeda oo aysan celin karin taaso hadda sababtay inay gacantayda ay ka baxdo fursad weyn iyo lacago fara badan

Kangana Ranaut Oo arrintan ka hadlaysa ayaa waxa ay tiri ” muuqalada iyo sheekada filimkan waa Tamil sidaas darteed waxaa aniga qasab igu ah inan barto luuqada Tamil si aan wax badan ugu fahmo doorkayga filimkan waxaan dhawaan bilaabi doona barashada luuqadaTamil ka hor inta aan la gaarin bisha September”

Related posts

Warbixin Xiiso Badan: Aryeman Ramsay Oo Qorsheenaya Inuu Dhawaan La Bilaabo Doono Duubista Filimka Khaakhee Qaybtiisa Labaad

Jabriil Abdikadir

Dhageyso barnaamijka LIVE NOW (25 May 2019) Warar Sport Update ah kaga bogo

Zakarie

Nolosha Dhabta Ah: Xidigaha Bollywoodka Iyo Waqtiyadii Ugu Xumaa Noloshooda Soo Wajaheen

Ali Aadan

War Deg Deg : Ranveer Singh , Deepika Padukone , Alia Bhatt iyo Ranbir Kapoor Oo Markii Ugu Horeesay Ku Midoobi Doonan…..

Jabriil Abdikadir

Sheeko Cajiib Ah Oo Dhexmartay Nin iyo Xaaskiisa

Jabriil Abdikadir

Kangana Ranaut Oo Aditya Pancholi Police-ka Ku Dacweesay 10 Sano Kahor Dhib Badan Uu U Geestay Oo Ay Hada Ka Sheeganeyso!!

Ali Aadan