Home Nolosha Jilayaasha Muxuu Aamir Khan ka yiri in xulkiisa India laga soo cirib tiray...

Muxuu Aamir Khan ka yiri in xulkiisa India laga soo cirib tiray tartanka Cricketka koobka aduunka?




Jilaaga weyn ee Aamir Khan ayaa markii ugu horeysay ka hadlay in xulkiisa India lagu soo reebay sami finalka tartanka Cricketka koobka aduunka iyagoona ku baxay gacmaha xulka New Zealand.

Aamir Khan ayaa fariin usoo diray kabtanka xulkiisa Virat Kohli iyo kooxdii tartanka ka qeyb gashayba asigoona  dhambaalka ku bilaabay “Nasiib wacan Virat”.

54 jirkaan ayaa intaas sii raaciyay; “ Ma aheyn maalinteena balse aniga ahaan India xageyga waxay koobka aduunka kaga guuleystay markey gaareen sami finalka iyagoo Team no1 ah”




Aamir ayaana hadalkiisa kusoo khatimay; “ mudadii uu tartanka socday si adag ayaad u ciyaarteen dhalinyarooy waxaan jeclaan lahaa in maalinkaas roobka uusan imaanin laga yaabee haduu imaan laheyn in natiijada is badali laheyd hase yeeshee waad dadaasheen waana idinku faanayaa”

Ma ahan Aamir jilaagii ugu horeeyay ee arinkaan ka hadlay misna taageero u muujiyay xulkiisa horay waxaa uga hadleen jilayaasha Verun Dhawan, Sonakshi Sinha, Bibasha Basu iyo kuwa kale.




WARARKA UGU DANBEEYAY

Wararkii ugu dambeeyay Koonfur Hindiya: Tamil, Telugu, Malayalam iyo Kannada maxaa ka jiro

  Maalin wanaagsan dhamaan aqristayaasha shabakada Filimside ku xiran kuna soo dhawaadao barnaamijkeena aan idin kula wadaagno warbixino kooban oo ku saab saabsan dhanka fanka...

Ahan Shetty iyo Tara Sutaria filimkooda Tadap oo dib u dhac ku yimid duubistiisa

  Ruug cadaa Suniel Shetty wiilkiisa Ahan Shetty waxaa lagu soo caan bixinaa filimka Telugu ah ee Blockbuster-ka weyn noqday RX 100 oo loo bixiyay...

Rasmi: Filimka The Lion King iyo Isniintiisa kowaad ganacsiga weyn uu sameeyay

  Filimka Hollywood-ka ah The Lion King ayaa hoos u dhac 30% sameeyay Isniintiisa kowaad ganacsi ahaan marka lala bar bar dhigo Jimcadiisii kowaad lacagaha...

Rasmi: Filimka Super 30 iyo ganacsiga adag uu sameeyay Isniintiisa labaad

  Superstar Hrithik Roshan filimkiisa Super 30 ayaa ganacsi adag sameeyay Isniintiisa labaad wuxuuna keenay 3 Crore ($434k) waxayna ka dhigan tahay mudo 11-maalmood ah inu soo...