Muxuu insaanka kaga duwanyahay xayawaanada kale? Akhriso layaabkaan.

Insaanka ka sokow inuu yahay mid la kalifay waa noole ka duwan waxbadan noolayaasha kale markii meelo badan loo fiiriyo.

Waxaan maanta idiin soo qaadan doonaa dhowr meelood oo muhiim ah kuwaasoo aad u baahantahay inaad insaanka ka ogaatid waana waxyaabo uu noolayaasha kale kaga duwanyahay;

1-Insaanka wuxuu awoodaa inuu hadlo erayana ku celceliyo asigoo waliba luuqad u gaar ah sameysan karo.

2-Garbaha uu insaanka leeyahay waa wax kale oo uu insaanka kaga duwanyahay noolaha kale waayo garbaha insaanka waxay siiyaan toosnaanta uu u baahanyahay.

3-Suulka wuxuu kamid yahay waxyaabaha ugu muhiimsan uu insaanka noolaha kale kaga duwanyahay waayo suul la’aan insaanka ma shaqeyn karo waxba ma qabsan karo (adiga bal isku day suul la’aan inaad qalin wax ku qortid).

4-Maqaarka insaanka wuu ka duwanyahay maqaarada noolayaasha kale waayo malahan wax timo ah taasoo u saamaxeyso in qanjirada dhididka ay sidii loogu talo galay u shaqeeyaan.

5-Lugaha oo toos loogu istaago waa wax uu insaanka dheeryahay noolayaasha kale.

6-Insaanka wajigiisa wuu guduutaa markuu xishood dareemo waxaana u sabab ah xididada aroorayaasha ee dhabanada insaanka ku yaalo kuwaasoo soo muuqda markii insaanka lakulmo xaalada cayiman waana wax uu kaga duwanyahay noolayaasha kale.

7-Maskaxda insaanka iyo hormarka ay sameysaba waa wax uu aad uga duwanyahay qeyrkiisa.

8-Insaanka wuxuu awoodaa inuu khiyaali maskaxdiisa ku abuuro sidoo kale wuxuu leeyahay Dareen iyo wax uu aaminsanyahay waana wax uu kaga duwanyahay noolayaasha kale.

9-Dhamaanka insaanka waxay ka simanyihiin iney aaminsanyihiin dhimasho waxayna wada ogyihiin in qofna uusan dhimasho ka baaqaneynin.

10-Hormar sameynta waa wax uu insaanka kaga duwanyahay noolayaasha kale waxaana la sheegaa in jiilkasta oo Insaan ah uu kahormarsanyahay dhanka maadiga jiilkii ka horeeyay.

Hadaba akhristow adiga maheysaa tilmaan uu Insaanka kaga duwanyahay noolayaasha kale?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*