Muxuu ka wadaa Salman Khan inuu maalmo ku xirnaan doono beertiisa Panvel

Mega Star Salman Khan hada wuxuu ku mashquulsan yahay soo gaba gabeynta filimkiisa weyn Bharat oo ay la jileyso Katrina Kaif lana daawan doono 5 june 2019

Salman Khan marka uu duubista bharat soo idleeyo wuxuu isku soo xiri doonaa beertiisa weyninka badan Panvel farmhouse taasi oo leh goobo lagu nasto maskaxdana lagu dejiyo.

Salman Bhai maalmo kooban qofna lama kulmi doono kaligiis ayuu joogi doonaa Panvel farmhouse sababtana waxay tahay inuu madaxa dagsanaanyo sidoo kalena nasiino dheeraad ah u baahan yahay.

Mudada uu Panvel farmhouse ku xanibnaan doono Salman wuxuu sameyn doonaa Arts-ka gacanta oo uu xirfad ka dhigtay sawiro kala duwan ayuu sameyn doonaa, faras wadadidana kama marno madaama beertiisa fardo kala duwan joogaan.

Salman waqti kaligiis ayaa isku mashquuli doono waqti koobana qoyskiisa Khan Khandaan ayuu la qaadan doonaa wuxuuna rabaa inuu shaqooyinka adag oo dhan ka nasto.

Salman nasiino ku filan marka uu helo wuxuu bilaabi doonaa duubista iyo dhex dhexaadinta barnaamijka Big Boss 12 oo uu caan ku yahay marwalbana xariiriye ka yahay waana barnaamij hirgalay oo TV-yada laga daawado.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*