Nagarjuna iyo Nani filimkooda DevaDas iyo mudo 10-maalmood ganacsiga uu sameeyay

Waan ka xunahay Superstar Nagarjuna iyo Natural Star Nanin filimkooda DevaDas wuxuu noqday mid guul dareestay sida shabakada Andhara Boxoffice xaqiijisay!

Filimka DevaDas mudo 10-maalmood ah wuxuu soo xareeyay 44.20 Crore isku darka ganacsigiisa dibad iyo dal sidoo kalena kooxda cajaladaha qeybiyaan saami ahaan waxay ka heleen 24.10 Crore.

Filimka DevaDas kooxda cajaladaha qeybiyaan waxay ku iibsadeen lacago qaali ah 38 Crore haatana 24.10 Crore ayuu dib usoo celiyay mudo 10-maalmood ah balse masii socon karo waayo dhamaan tiyaatarada Koonfur Hindiya oo dhan waxaa la wareegayo fillimka Aravindha Sametha ee Jr. NTR hogaamiye ka yahay laga bilaabo maalinta berito ah (11 Oct 2018).

Shabakada Andhra Boxoffice ayaa soo daabacday filimka DevaDas iyo suuq walbo ganacsiga uu ka sameeyay mudo 10-maalmood ah:

Dhul weynaha Telugu AP/Nizam wuxuu ka keenay 30 Crore, saamiga laga helay 18.30 Crore

USA Boxoffice wuxuu ka keenay 5.80 Crore, saamiga laga helay 2.32 Crore

Gobolka Karnataka wuxuu ka keenay 5.20 Crore, saamiga laga helay 2.34 Crore

Dunida inteeda kale wuxuu ka keenay 3.20 Crore, saamiga laga helay 1.14 Crore

Wadarta Guud Lacagaha Uu Keenay Dibal+Dal 44.20 Crore, Saamiga Guud Ee Laga Helay Dibad+Dal 24.10 Crore.