Home Nolosha Jilayaasha Neetu Singh xaaska riish Kapoor oo siro badan kuna saabsan Rishi Kapoor...

Neetu Singh xaaska riish Kapoor oo siro badan kuna saabsan Rishi Kapoor banaanka keentay.




Atariihsdadii bari samaadkii Neetu Singh oo haatan ah xaaska Rishi Kapoor ayaa daaha ka rogtay arimo badan oo khuseeyo noloshooda iyada iyo Rishi Kapoor kahor inta aysan is guursan.

Neetu Singh oo marti ku aheyd barnaamijka uu daadihiyaha kayahay jilaaga Annu Kapoor ayaa suaalo badan ka jawaabtay waxayna sheegtay ineysan marnaba iloobi doonin maalinkii ugu horeysay ee ay is arkeen iyo siduu ugu maadsaday una dhibay Rishi Kapoor.

Neetu waxay tiri; “Waxaan markii ugu horeysay is aragnay anigoo si qaabdaran Mike Up iigu marsan yahay wuxuuna bilaabay inuu igu maadsado asigoo wajigeyga iyo dharkeyga wax ka sheegayay aad ayuuna iiga xanaajiyay wuxuuna ahaa dhiblow miiran”




Rishi Kapoor iyo Neetu Sing ayaa filimaan badan wada jileen sida Kabhi Kabhie, Khel Khel Mein iyo Amar Akbar Athony waxayna tiri Neetu iyadoo arinkaas ka hadleysay; “Waxaan ahaa atariishada kaliya ee dhalinta yareyd ee bilowgiisii waayaha fankiisa filimada la jili jirtay”.

Markii la weydiiyay waqtigii ay go’aansatay inay nolosha la wadaagto ayay ku jawaabtay; “waqtigaas ma xusuusto balse waxaan sameeyay filimaan badan waxaana helay kalsooni badan waxayna hooyadeey aheyd waqtigaas mid ii cabsato sidaas owgeed markaan balan la leeyahay Rishi  waxay igu dabo dari jirtay ina adeerkey”

Waxayna hadalka kusoo koobtay; “kadib wuxuu Rishi iga dalbaday guur iyo inaan waxkasta soo gabo gabeeyo sidoo kalana jiliinka joojiyo  si aan qoys u aasaasno, anigana waxaan ahaa mid aad u daalan oo mudo 15 sano xiriir ah fanka ku jirtay sidaas owgeed waxaan rabay nolol basiid ah inaan galo waana ku waafaqay”




WARARKA UGU DANBEEYAY

Wararkii ugu dambeeyay Koonfur Hindiya: Tamil, Telugu, Malayalam iyo Kannada maxaa ka jiro

  Maalin wanaagsan dhamaan aqristayaasha shabakada Filimside ku xiran kuna soo dhawaadao barnaamijkeena aan idin kula wadaagno warbixino kooban oo ku saab saabsan dhanka fanka...

Ahan Shetty iyo Tara Sutaria filimkooda Tadap oo dib u dhac ku yimid duubistiisa

  Ruug cadaa Suniel Shetty wiilkiisa Ahan Shetty waxaa lagu soo caan bixinaa filimka Telugu ah ee Blockbuster-ka weyn noqday RX 100 oo loo bixiyay...

Rasmi: Filimka The Lion King iyo Isniintiisa kowaad ganacsiga weyn uu sameeyay

  Filimka Hollywood-ka ah The Lion King ayaa hoos u dhac 30% sameeyay Isniintiisa kowaad ganacsi ahaan marka lala bar bar dhigo Jimcadiisii kowaad lacagaha...

Rasmi: Filimka Super 30 iyo ganacsiga adag uu sameeyay Isniintiisa labaad

  Superstar Hrithik Roshan filimkiisa Super 30 ayaa ganacsi adag sameeyay Isniintiisa labaad wuxuuna keenay 3 Crore ($434k) waxayna ka dhigan tahay mudo 11-maalmood ah inu soo...