Night Update: Filimka Kesari Oo Ka Faa’ideystay Firqaada Maalinta Axada Laakiin Waxaa Uu Sameeyay Ganacsi Xadidan

Filimka Akshay Kumar Kesari ayaa waxa uu sameeyay sare u kac maanta oo Axad taado ah maalintiisa Afaraaad uu Tiyaatarada saaran yahay laakiin sare u kacaas ma ahan mid weyn ee waa mid xadidan waxaana midaas u sabab ah  in filimkan maalin fasax ah Tiyaatarada la saaray taaso hadda in badan oo ganacsi filimkan uu sameeyay maalintaas fasaxa

Kesari ayaa maanta subaxdii hore waxaa uu ku furmay 43% ilaa 44% asigoo subaxdii hore bilaabasho heer sare ah la yimid.

halka  duhurkan iyo galabta xiliga Hindiya halkii ugu sareesay ayuu Kesari gaaray madaama qoysaska iyo dhalinyarada usoo daawasho tageen wuxuuna gaaray 75% ilaa 80% balse caawa fiidkan waxa uu gaaray 60% isagoo

sameeyay hoos u dhac 20% marla la fiiriyo sare u kaca uy sameeyay duhurkii iyo galabtii taaso ka dhigan in Kesari uusam si weyn kaga faa’iseysan fasaxa maanta oo Axad taaso dadka badanaa ay soo aadayaan Tiyaatarada maadaama shaqada laga nasanaayo

Fadlan hoos kaga bogo is bar bar dhig aan ku sameenay filimka Kesari maanta duhurkan/galabtii ilaa caawa fiidkii xiliga Hindiya oo axad  ah iyo maalintii shalay sabti ahayd kaaso ah isla marxaladahan oo kale halka uu gaaray:

Axad subaxdii -40-45% (Sabti subaxdii – 30%)

Axad Duhur/ Galab-  -65-70% (Sabti Duhur/galab- 55-60%)

Axad fiidkii/habeen- -60% (Sabti fiidkii/habeen – 70%)

Waxa meeshaan ka muuqata Kesari inuu fiidkam.sameeyay hoos u dhac marka fiiriyo habeenkii sabtida kaaso uu gaaray 70%. Waxaana shabakada boxx office india ay ku qiyaastay inuu filimkan maanta oo axada ah uu keeni doono ganacsi u dhaxeeya 20-21 Crore iyadoo iski dar ganacsigiisa uu gaari doono lacago u dhaxeeya 76-77  Crore

Waana lacago fiican laakiin ma ahan mid weyn marka la eego fursada uu filimkan haysto kaasp hadda gudi galaya maalmo shaqo haddii uu filimkan si weyn u isku celiyo berito isniin ah kaaso maalin shaqo waxaa hubaal in filimkan uu guuleysan doono sababtoo waxaa si weyn loo amaanaya sheekada filimkan kaaso ah mid ka saacidi karta inuu muddo badan Tiyaatarada baaqi kusii ahaado