Nin baranbaro darted xabad isugu dhuftay. Layaabka aduunka.

Nin u dhashay wadanka Mareykanka ayaa loola cararay isbitaal ku yaalo magaalada Detroit ee dalka Mareykanka kadib markii naftiisa dhaawacay asigoona kas ugu dan laheyn.

Ninkaan oo 50 jir ah sida la sheegayna curyaan ah balse magaciisa saxaafada laga qariyay ayaa biskoolad isku dhuftay xili habeen ah asigoo rabay inuu dilo Baranbaro.

Ninkaan curyaanka oo gurigiisa joogo ayaa waxaa guriga usoo gashay baranbaro wuxuuna isku dayay inuu baranbarada dilo maadaama uu aad u necebyahay asigoona soo qaatay kab weyn oo meesha taalay wuxuuna ku tuuray baranbaradii hase yeeshee kabtii waxay ku dhacday biskoolad miis meesha yaalo saarneyd waxaana si lama filaan ah uga soo baxday biskooladii xabad odaygii curyaanka ahaa dhaawacday.

Dhacdadaan oo aan nuuceeda horay loo arkin ayaa dadka layaab ku noqotay waxana la sheegayaa in ninka uu haatan isbitaalka ku jiro xaaladiisana ay soo hagaageyso.

Waxaa xusid mudan in dhacdadaan ay dhacday 19ka bisha Marso ee sanadkaan waxaana laga joogaa 4 maalmood.