Nin tuug ah oo badbaadiyay qoys baabi`lahaa sheeko layaab badan

ninka tuug ayaa soo galay guri taajiriin isagoo doonayay in uu u dhaco inta cida ay hurdayaan oo ka qaado alaabta iyo wixii u fududaada ayaa arkay cidii oo wada miir daboolan ka dib markii ay ku sumoobey hawo.

Ninkii ayaa bilaabay in uu cidda ka furo daaqada iyo albaabaha gurigii uu usoo dhacay una qeyliyo dersaankii oo isla markiiba la wacay booliiska iyo Hay`adaha gargaarka deg dega ah.

Sida ay soo xigatay jariirad lagu magacaabo sariix oo kazoo baxda dalka tuunis ayaa sheegtay in uu wiilkaan oo doonayay in uu u dhaco qoskaan uu bad baadiyay noloshooda maadama hadii uu san u imaan lahayn ay baabi`I lahaayen

Ninkaan ayaa helay lacago abaal marin ah oo ay siiyeen cidii iyo dhamaan intii arintaa ku lugta lahayd waxaa la sheegay in ninkaan oo markiisii hore ahaa tuug cida u dhaca uu hada helay hanti iyo maal ku filan oo uu san hada ahayn tuug