Noon Update: Duhurkan iyo filimka Kesari halka uu maraayo maalintiisa 3-aad tiyaatarada uu saaran yahay

Superstar Akshay Kumar filimkiisa Kesari maanta Sabti wanaagsan ayay u tahay waxaana horey idin kula wadaagnay subaxan inuu ka bilaabasho wanaagsan yahay Khamiistii iyo Jimcadii sida uu ku furmay waxaana maanta laga rajeenayaa ganacsi weyn inuu sameeyo.

Kesari maanta subaxdii hore wuxuu ku furmay 31% ilaa 32% balse wuxuu si heer sare ah ugu kacay duhurkaan iyo xiliga galabta Hindiya asigoo maraayo 50% ilaa 55% waxaya arintaan xaqiijisay in Kesari maanta 20 Crore ka tilaabsan doono waa macquul in ilaa 23 Crore gaaro balse wax walbo waxay ku xirnaan doontaa sida uu filimkan usii gadmo fiidkii iyo caawo.

Fadlan hoos kaga bogo is bar bar dhig aan ku sameenay filimka Kesari maanta duhurkan/galab xiliga Hindiya oo sabti ah iyo labadii maalmood lasoo dhaafay isla waqtigan oo kale halka uu gaaray:

Sabti duhur/galab 50% ilaa 55%

Jimco duhur/galab 43% ilaa 45%

Khamiis duhur/galab 65% (Feestada Holi markii laga soo laabtay)

Aan usoo laabano maanta oo Sabti ah filimka Kesari magaalooyinka waa weyn sida uu subaxdii hore kaga furmay iyo halka uu haatan maraayo xiliga duhurka iyo galabta Hindiya:

Delhi NCR: Sabti subaxdii hore (35% & 1010 shaashad), Sabti duhur/galab (65% & 1010 shaashad),

Mumbai: Sabti subaxdii hore (25% & 1130 shaashad), Sabtu duhur/galab (40% & 1130 shaashad),

Pune: Sabti subaxdii hore (30% & 390 shaashad), Sabti duhur/galab (45% & 370 shaashad),

Bengaluru: Sabti subaxdii hore (40% & 290 shaashad), Sabti duhur/galab (70% & 290 shaashad)

Hyderabad: Sabti subaxdii hore (50% & 310 shaashad), Sabti duhur/galab (75% & 310 shaashad)

Kolkata: Sabti subaxdii hore (25% & 270 shaashad), Sabti duhur/galab (50% & 270 shaashad)

Ahmedabad: Sabti subaxdii hore (15% & 340 shaashad), Sabti duhur/galab (30% & 340 shaashad),

Chennai: Sabti subaxdii hore (10% & 83 shaashad), Sabti duhur/galab (25% & 83 shaashad)

Qiyaas Ahaan Maanta Ganacsiga Uu Sameyn Karo Filimka Kesari: 20 Crore ilaa 23 Crore inta u dhaxeyso

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.