Nora Fatehi Oo Sheegtay Inee Habeeno Badan U Ooysay Angad Bedi Kadib Markuu Ka Tagay Neha Dhupia-na Guursaday “Hurdadii Iyo Shaqadii Ayuu iidiiday”

Atiriishada Dilbar ku caan baxday Nora Fatehi waxy xiriir la laheed jilaaga Agad Bedi oo hader guursaday atiriishada Neha Dhupia waxayna si rasmi ah u aqal galeen aroos qaas ahna u dhigteen May 2018.

Nora yaa dhowr jeer wax laga weydiiyay xiriirka Angad sanadkii hore mar ayee ka yaabsatay saxaafada xili ay jawaab oga dhigtay,”waa kuma Angad Bedi-ga aad sheegeysaan aqoonba uma lihi.”

Oraahdan ayee afka la qabsadeen saxaafadii wardoonka ahed sanadkii hore hadaba atiriishadan markale ayaa wax laga weydiyay xiriirkeda hore iyo sida ay ku ilaawday shaqadeedana diirada ku saartay markaan wax badan ayee shaaca ka qaaday waxayna tiri.

“Mudo yar ayee igu qaadatay inana xiriirkaas ilaawo inkastoo aan murugooday balse hader nolosha aan kujiro waan ku faraxsanahay Ragg qiyaano jaceyl geesteen isaga (Angad Bedi) uguma horeeyo.”

“Waxaan xasuusta kahor inta aan duubin heeska Dilbar sido kalena Filmka Bharat qeyb ka noqonin in aan murugoon jiray anigo duubista Bharat markii ugu horeysay tijaabo la iga qaadayo qolka tijaabadana kujiro waan xamali waayey howshaas dhan maadama maskaxdeyda fikirkiisa ku mashquulsaned.

Akhriste Angad markii uu Nora katagay Neha Dhupian-na uu guursaday ayee ka hadleysa atiriishadan xili ay ka xumaatay arooskiisa waana waqtiyadii arooska Angad iyo Neha dhacaayey waxay tiri Nora iyadoo hadalka sii wadata.

“Qolka ayaan kasoo baxay waana ka cuddur daartay kooxda filmka hoos ayan imid meel jardiin ah ayaa kaligeey fariistay kuna ooyay in badan fikir dheerna ku galay balse markaan guriga tagay nafteyda ayaan canaantay anigoo is dhahay’Nora aaway hadafkaada, aaway farxadaada, habeen walba ninkaan miyaa isku murjinee waa inaad naftaada bar qabataa oo aad noloshaada farxadeeda soo celisaa.’”

“Kadib markaa nafteyda oraahdas ku dhahay go’aan kama dambeys ayaan qaatay habeenkas wixii ka dambeyay nolosheyda waan ka saaray Angad waana ilaaway hader nolol farxad badan ayaan ku noolahay shaqadeydana si toos ah ayee u socotaa.”

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin Oo Ku Dhufato Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah Kudhufo Mahadsanid…

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*