Padmaavat Oo Kusoo Biiray Liiska Filmada Bisha Janaayo Lacagaha Ugu Badan Soo Xareyeen!!

Kaho… Naa Pyaar Hai iyo Karan Arjun ayaa la daawaday bishan Jan oo kale waana aflaam taariikhi ah oo ilaa maantadan la wada jecelyahay.

Filimada  Kaho… Naa Pyaar Hai iyo Karan Arjun ayaa ah weli labada filim ee lacagaha ugu badan soo xareeyeen ee la daawaday bisha Janaayo hadii sicirka maanta lacagaha lagu jaangooyo madaama ay 300 Crore ku dhawaad soo xareeyeen waa hadii sicirka maanta lagu jaangooyo lacagihii ay xiligoodii soo xareeyeen.

Raja Babu oo uu Govinda sameeyay isagana waa filim kale oo caan ah kaasi oo Hit weyn noqday lana daawaday bisha Janaayo oo kaalinta 4-aad soo galaayo filimada lacagaha ugu badan soo xareeyeen ee Janaayo la daawaday marka sicirka maanta lagu jaan gooyo.

Filimka Jai Ho ee Salman Khan sameeyay isagana waa filim bisha Janaayo 100 Crore ka badan soo xareeyay balse Boxoffice-ka ku fashilmay madaama heerkii laga filaayay uu gaari waayay.

Filim Flop ah oo bisha Janaayo lacagaha ugu badan soo xareeyay waa Mela oo uu Aamir Khan sameeyay 18-sano ka hor kaasi oo lacagihiisii xiligaas maanta u dhigmato 107 Crore wuxuuna Mela ganacsi fiican ka sameeyay magaalooyinka yar yarka ah balse sanadkaan liiskan waxaa kaalinta 3-aad kasoo galay filmka Padmaavat ee 25 Janaayo sanadkii hore 2018 la daawaday kaaso 282 Crore keenay..

Fadlan hoos kaga bogo 10-ka filim ee bisha Janaayo la daawaday kuwooda lacagaha ugu badan soo xareeyeen marka sicirka maanta lacagaha lagu jaangooyo waxayna xogtaan ku saleesan tahay Janaayo 1994 ilaa Janaayo 2018 sido kale sanadkaan aflaamta la daawanayo sida Manikarnika waxaa la filaa inee liiskan soo gali doonan.

1. Kaho Naa… Pyaar Hai (2000) – 295 crore (BLOCKBUSTER)

2. Karan Arjun (1995) – 288 crore (BLOCKBUSTER)

3. Padmaavat (2018) – 182 crore (BLOCKBUSTER)

4. Agneepath (2012) – 163 crore (SUPER HIT)

5. Raja Babu (1994) – 151 crore (SUPER HIT)

6. Jai Ho (2014) – 139 crore (SEMI HIT)

7. Bandit Queen (1996) – 131 crore (SUPER HIT)

8. Hum Aapke Dil Mein Rehte Hain (1999) – 130 crore (SUPER HIT)

9. Raees (2017) – 128 crore (SEMI HIT)

10. Rang De Basanti (2006) – 125 crore (HIT)