ARRIMAHA BULSHADA CIYAARAHA Nolosha Jilayaasha WARARKA MAANTA

Pogba oo dhaleeceyn adag dusha ugu tuuray saxaafada reer galbeed asigoona usheegay in uusan islaamka aheyn diin argagaxiso iyo hadaladii qiirada lahaa ee Pogba.

Paul Pogba laacibka kooxda Manchester United iyo qaranka France ayaa ka hadlay qiimaha diinta islaamka agtiisa ka leedahay iyo sida ay noloshiisa u badashay.

Pogba oo wareysi siinayay The Times ayaa yiri; “Islaamka waxkasta ayuu aniga noloshaan ii yahay, sababtiisa ayaana maanta ku joogaa halka aan joogo, islaamka waa kan badalay nolosheyda wuxuuna iga dhigaa mid nabad galyo markasta dareemo”.

Pogba oo dhaleeceyn adag dusha uga tuurayo warbaahinta reer galbeedka ee suurada qaldan markasta islaamka ka gubdiya ayaa yiri; “ islaamka ma ahan sida ay u dhigaan warbaahinta mana ahan sida aad maqashaan argagaxiso iwm, waa labo shey oo kala fog, islaamka waa shey qurux badan, anigana waan ku kalsoonahay in qofkii islaamka si hoose u bartaa uu helaayo xiriir asiga iyo islaamka ka dhaxeeyo”.

Pogba oo ka hadlaayay qaabka uu kusoo muslimay ayaa yiri; “ inta badan asxaabteyda waxay ahaayeen muslimiin, waxaana jireen arimo badan oo aan ka shakin jiray, sidaas darteed baaritaan ayaan sameeyay anigoona islaamka ka dhex baaray, kadibna maalin ayaan asxaabteyda muslimiinta ahaa la tukaday waxaana dareemay dareen qurux badan, tan iyo maalintaasna muslim ayaan ahay, waa waajib inaan maalinkii 5 jeer tukano, waayo salaada waa tiirka labaad ee islaamka.”

Related posts

Deg Deg: Aditya Pancholi Oo Dacwad Ka Gudbiyay Kangana Ranaut Kadib Kufsi Been Abuur Ah Ay Ka Sheegtay Inuu Kufsaday Xidigtaan!!

Ali Aadan

Daawo: Maanta iyo Kooxdaada Maxaa Ka Cusub?

Zakarie

Anupam Kher ( Aabaska) 64 Jir Oo Samaystay Murqo Cajiib Bal Adiga Daawo

Jabriil Abdikadir

Marka Ay Dhacday In Amitabh Bachchan Diido Mushaar 10 Milion Rupees Uu Shah Rukh Khan Siiyay!!

Ali Aadan

Vivek Oberoi Oo Ka Hadlay Hoos U Dhaca Ku Yimid Xirfaddiisa Bollywoodka, Miyeyse Arintaas Saameyn Ku Yeelatay?

Jabriil Abdikadir

Tani Waa Dharbaaxo Kulul Ku Dhacday Bollywoodka Iyo Nacamleeyaasha Kangana Ranaut Oo Afka Furatay Ka Dib Markii Filimkeeda Manikarnika Loo Doortay Inay Ka U Tartanto Abaal-marinta Caalami Ah

Jabriil Abdikadir