Prabhas iyo Shradha Oo Indhaha Iska Qaadi Waayeen Sawir Si Xatooyo Ah Laga Soo Qaaday Filimka Saaho

Prabhas iyo Shraddha Kapoor ayaa markii ugu horeesay shaashada kaga soo muuqan doonaan filimka weyn ee la wada sugaayo Saaho oo weliba lacago qaali ah lagu maal galinaayo si filim caalami ah looga dhigo

Saaho waa filim Tamil ah balse luqadaha Hindi iyo Telugu ayaa lagu daawan doonaa marka tiyaatarada la saaro maalinta xurnimada Hindiya 15 Aug 2019 waana filim si caalami ah loo sameenayo oo ku baxeyso in ka badan 250 Crore

waxaana filimkan uu noqon doono filimkii labaad ee ugu qaalisan dalka india at sameeyaan weliba shaqaale calaami oo Hollywood-ka ka tirsan ayaa sameenayaan dhanka Action-ka iyo adeegsiga aalada VFX.

haddaba maanta waxaa si lasoo bandhigay sawir si xatooyo ah looga soo qaaday filimkan inta ay duubistiisa Socotay waxaana sawirkan u gaar yahay hogaamiyaasha filimkan Prabhas iyo atariishada Shradha Kapoor

iyadoo sawirkan la qaaday xilli labadan aktar ay duubaayeen hees Romantic ah ama Jaceyl halka Prabhas iyo Shradha ay dadka si weyn ugu soo jiidanayaan sida ay isku eegayaan  waxaana sawirkan uu noqday mid maanta si weyn loogu hadal-haayo baraha bulshada

Shraddha Kapoor ayaa door weyn ku leh filimka Saaho waxayna markii ugu horeesay shaashada la wadaagi doontaa Prabhas oo dunida laga wada sugaayo mashruuciisa xiga madaama filimkii ugu dambeeyay uu kasoo muuqday ahaa Bahubali 2 kaasi oo All Time Blockbuster noqday sidoo kalena iskooro taariikhi ah dhigay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*