Prabhas Oo Iscelin Waayey Ugu Dambeyna Talefaanka Gacanta Ka Wacay Shahid Kapoor Arinkaan Ayaana Dhexmartay!!

Waxaan idiin la wadaagnay goos gooska kooban(Teaser) ee filmka Kabir Singh kaaso uu hogaamiye ka yahay atooraha qaab jiliinka wacan ee Shahid Kapoor waana dib u sameeynta filmka Arjun Reddy ee Telugu laga leeyahay.

Fillmkaan goos gooskiisa durba 10 Million qof ayaa YouTube-ka daawatay taasi oo muujineysa in soo dhaweyn wacan uu helay iyo in laga helay Shahid sida uu doorkiisa kaga baxsaday jiliin ahaan iyo muuqaal ahaan.

Jilaaga caanka ah Prabhas ayaa si weyn oga helay doorka Shahid ee filmkaan heer uu tell-ka kala hadlo Shahid mudo 7 daqiiqo ahna ay wada sheekesteen waxuun Prabhas ugu hambalyeeyay sida quruxda badan uu mashruucan dib ugu sameeyay.

Inee labadan xiddig wada hadlaan waxaa u sabab ah ninka hagaajinta timaha labadooda u qaabilsan ee Aalim Hakim aan u deyno sheekada isaga iyo sida uu labadan xiddig kuwada hadal siiyay waxuuna arinkaan la wadaagay DNA oo aan kasoo xiganay.

“Waxaan la joogay Prabhas xili uu Hyderabad ku duubaayey filmka Saaho waxuu Internet-ka ka daawaday goos gooska kooban ee Kabir Singh oo Shahid Kapoor hogaamiyaha ka yahay aad ayuu ugu farxay dadkii la duubayeen filmka ayuuna ugu baaqay inee la daawadan markale.”

“Kadib markaan arkay Prabhas wajigiisa farxada ka muuqatay iyo sida uu kaga falcelinaayye bandhiga Shahid waxaan soo qaatay Mobile-keyga durbana Shahid ayaan wacay markuu iga qabtay ayaan la hadal siiyay si lama filaan ah Prabhas mudo 7 daqiiqo ah ayee wada hadlayeen.”

“Wuxuu Prabhas Shahid u sheegay inuu daawaday goos gooska kooban aadna uu oga helay xitaa mashruucan qeybta asalka ah in qeybtan dambe ka wanaagsan tahay ayuu tilmaamay Prabhas guul wacana uu wu rajeyay Shahid.”

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin Oo Ku Dhufato Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah Kudhufo Mahadsanid…

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*