Prabhash iyo Shraddha wey is fahmeen iyo balanka ay wada galeen

Prabhas tan iyo markii filimka Classic ah Baahubali labadiisa qeybood uu sameeyay wuxuu noqday atooraha ay ugu jecel yihiin jilaayaasha iyo soo saarayaasha inay la shaqeeyaan.

Prabhas wuxuu hada ku mashquulsan yahay duubista filimkiisa xiga Saaho oo lagu daawan doono sedex luqadood (Hindi, Telugu iyo Tamil) waana filim si calaami ah loo sameenayo.

Filimka Saaho waxaa atirisho kowaad looga dhigay Shraddha Kapoor oo ku faraxday la shaqeynta Prabhas iyo mashruucaan qaaliga ah inay qayb ka noqoto.

Haatan waxaa la sheegay in Prabhash iyo Shrddha si waca isku fahmeen inta shaqada Saaho hayaan sidoo kalena ay noqdeen labo saaxiibo oo la moodo inay waligood isla shaqeyn jireen.

Waxaa la sheegay in maal maha nagu soo fool leh muuqaalo xasaasi ah wada duubi doonaan Prabhas iyo Shraddha waxayna fariin ahaan is dhaafsadeen qof walbo balan gaar ah inuu kasoo baxo.

Waxaa lagu balamay Prabhas inuu Shraddha ka caawiyo fahanka luqada Telugu halka Shraddha iyadana ka balan qaaday Prabhas inay ka caawin doonto fahanka luqada Hindiga ah madaama xidigaan Af Hindiga ku xeel dheereen.

Marka laga soo tago Prabhas iyo Shraddha filimka Saaho waxaa wax ka jilayaan shaqsiyaad fanka Hindiya caan ka ah sida Neil Nitin Mukesh, Mahesh Manjrekar, Chunky Pandey, Jackie Shroff iyo Mandira Bedi waxaana la daawan doonaa sanadka dambe 2018 qaybihiisa dambe.