Preity Zinta Oo Dacwadii 2014 Ahed Dib Ula Noqotay Kadib Markee Heshiyeen Ness Wadia!!

Waxaan maalintii shalay ahed idiin la wadaagnay in atirishada caanka ah Preity Zinta kiiskeda caanka ah maxkamada sare ee Mumbai gabi ahaanba meel iska dhigtay kaaso ay kaga dacwoneysay Ness Wadia inuu 2014 ku xad gudbay xidigtaan.

Sheekadan waxay soo bilaawatay sanadkii 2014 xili ay socotay ciyaarta Cricket-ka udhaxeysa kooxda reer Punjab iyo kooxda reer Chennai markaas oo uu Ness Wadia ku xanaaqay kooxa amaanka iyo qeybta tikit goosasahda kuna aflagaadeyay dad badan goobta.

Preity Zinta oo meesha ka akdhowed misane kamid ahed daawadayaasha ciyaarta ayuu hadana dadka hortooda waxii meesha wax ka daawanayey dhan hortooda ku aflagaadeyay waliba si xun heer dadkii oodhan ka xumaadan.

Preity waxay dacwadeeda sanadkaan 2014 ku dartay in xitaa Ness Wadia gacan qaad u geestay oo mar walba  uu isku dayo inuu u gacan qaado ay ka durqeysay ama iska difaacesay intii garoonak ciyaarta lagu sugnaa.

Hadaba Preity ayaa maanta si rasmi ah loo xaqiijiyay inee dib ula noqotay kiiskeda maadama ganacsade Ness Wadia si lama filaan ah ku raali gareyay xidigtaan wax walbo oo qalad ka dhacayna cafis ka dalbaday.

Xidigtaan oo iska ah qof naxariis badan ayaa iska cafisay aflagaadadii uu u geestan ninkaan ganacsadaha ah sanadkii 2014 sido kalena waxay gareesatay in dhacdadan 4 sano kasoo wareegatay iskana ilaawdo wax walbo.

Dhanka shaqada Preity waxay kasoo muuqan doonta filmka Bhaiaji Superhit kaaso la daawan doono sida la sheegay 26 bishaan October waxaana la jilaayo Sunny Deol, Ameesha Patel, Mithun, Arshad Warsi iyo kuwa kale.