Home » Nolosha Jilaayaasha » Priyanka Chopra Oo Noqotay Atirishada Kaliya Ee India Kasoo Jeeda Misana 100 Haween Dunida Ugu Caansan Kamid Noqotay!!

Priyanka Chopra Oo Noqotay Atirishada Kaliya Ee India Kasoo Jeeda Misana 100 Haween Dunida Ugu Caansan Kamid Noqotay!!

Quruxleyda Bollywoodka Priyanka Chopra sanadkaan kaliya arooskeda uma dabaal dageyso ee sido kale waxay u dabaal dagi doonta guul kale oo u gaar ah xidigtaana ay gaartay atirishooyinka India-na dheertahay.

Chopra waxay kamid noqotay 100 haween caalamka ugu awooda badan ugu caansan maadama liiskan ay soo saartay shabakada Forbes sidaa aawged Priyanka waa atirishada kaliya ee liiskan kujirta misane India kasoo jeedo.

Deepika kuma jirto iskabadaa Katrina warkeeda kaliya hal atirisho oo India kasoo jeed ayaa liiskan lagu sheegay taasona ah Priyanka Chopra dabcan guul gaar ah ayaa xidigtaan usoo hoyotay.

Hadaba akhriste ma ahan markii ugu horeysay liiskan Priyanka kaliya laga helo soo xasuuso sanadkii hore xiligaan oo kale markii Forbes ku dhawaaqday in atirishada Priyanka oo India kasoo jeeda liiskan kujirto.

Sanadkaan 2018 kaalinta 96-aad ayee ka gashay liiska 100 haween caalamka ugu awooda badan uguna caansan (100 Most Powerfull Women) dabcan farxad uma dhina xidigtaan iyo taageerayaasheda.

Sido kale sanadkii horena kaalinta 97-aad ayee ka gashay liiskan taasi oo micnaheeda ah in sanadkaan soo karaar qaadatay hal darajona soo kordhisatay ayado booska 96-aad la wareegtay sanadka dambena boos cususb ama darajo cusub ayaa laga filaa inee liiskan ka gasho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *