Priyanka Chopra Oo Sawiro Soo Jiidasho Leh Laga Soo Bandhigay Fashion Heer Sare Ah Balse Waqtiyo Kala Duwan (+Sawiro)

 

Sidaan wada ognahay atirishada Priyanka Chopra waxay guursatay oo ay nolosha la qeybsaneysa fanaanka ama heesaga caanka Nick Jonas kaaso kasoo jeeda America mudo gaabana aqoon ka dhaxeyso.

1 December 2018 ayee aroos qaab kirishtaan loo diyaariyay ku dhigteen gobolka Jodhpur ee dalka India waxaana ku xiga aroos qaab hindu ah loo dhigay oo ay dhigteen 2 December 2018.

Hadaba xidigtaan ayaa arooskeda ku casuumen xidigo caan ah ama Bollywoodkaba balse waxay dhigatay xaflado waaweyn oo ay arooskeda ugu dabaal dageyso waxaana ugu horeysay xafladii Delhi ay kudhigatay misane u kasoo qeyb galay Raiisul wasaaraha dalka India.

Dhanka kale xaflado kale ayee Mumbai kudhigatay oo ay ku casuumtay Bollywoodka sida xafladii ugu dambeysay taaso wacdaro weyn ka dhacday goobta sidaan warbixinteeda horey idiin kula wadaagnayba

Hadana waa shaqsi Fashion heer sare ah inee sameyso jecel sidaa awged waxaa laga soo bandhigay sawiro kala duwan xili ay magaalada New York iska dhex mushaaxeyso.

Sawirada waa xiliyo kala duwan iyo waliba labis kala duwan, fadlan halkaan hoose ka daawo sawirada Priyanka Chopra:

3

1

2

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*