Priyanka Chopra Oo Shaaca Qaaday Sababti Ku Kaliftay Inee Guursato Nick Jonas Iyo Waxa Ay Ku Jeclaatay Wiilkan India Aan U Dhalanin!!

Atiriishada Priyanka Chopra ayaa wareysi xiiso leh bixisay kadib barnaamij Tv-ga kabaxa oo lagu casuumay waxay kaga hadashay goobta arimo kala duwan sida shaqadeeda, nolosheeda gaarka ah xiisadaha kacsan sida in dumarka kufsi iyo anshax xumo lagula kaco iyo arimo kale.

Hadaba PeeCee dhanka marka ay ka hadleysay seygeeda ayaan soo xiganay waxaa la weydiiyay sida ay ku jeclaatay Nick Jonas go’aana ugu gaartay inuu yahay midka ay nolosha la wadaagi doonto inta nolosheeda ka dhiman waxay tiri.

“Nick waa shaqsi madadaalo dhameestiran leh micnaha waa qof kaftan badan inta badan dumarka waxay jecel yihiin wiilasha kaftanka badan ee iyaga amaanta ku badiyaan balse aniga Nick waxyaabo badan ayaan ku doortay.”

“Waa ninka igu kalifay in aan ka haro shaqo maalin anigo duubis film leh si aan Tv ula daawado iyo faraka cayaar kaliya wuuna ku guulestay inuu shaqadeyda iga reebo maalinkaas waa qof marwalba ku farxad galinaayo marka aad la joogto.”

“Waxaan ku doortay inuu yahay qof I farxad galiya xili walba, inuu yahay qof daacad ah, inuu yahay qof qurux badan, inuu yahay qof aad ii xushmeya aniga iyo waalidkey wax walbona ka hormariya baahideyda nafteyda ayaa jeclaatay Nick wixii markaas ka dambeyay.”

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin Oo Ku Dhufato Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah Kudhufo Mahadsanid…

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*