Priyanka Chopra Oo Si Lama Filaan Mumbai Ku Timid Xili Ay New York Joogtay (+Sawiro)

Priyanka Chopra maalmo kahor waxay kusugneeda magaalada New York halkaas oo ay waqti kula qaadaneysay saaxiibkeda Nick Jonas iyo waliba shaqsiyaad kale sida ine la kulantay Sonali Bendre.

Balse waxaa la yaab noqotay in maanta kaliya labo mar magaalka Mumbai lagu arkay xili ay labo labis kala duwan xirantahay howl duubisna ku guda jirto waxayna socotay wadooyinka Mumbai.

Filmkeeda The Sky Is Pink ayee wadooyinka Mumbai ku duubesay maanta lamana oga xiligii ay Mumbai kuso noqotay waxaa la arkay iyadoo duubis ku guda jirta si deg deg ahna labiska isaga bedelesa.

Todobaadyadii hore iyada iyo Nick waxay booqdeen Jodhpur arimo gaar ah dadka qaarna waxay sheegeen inee halkaas u tageen inee soo sahmiyaan goobta arooskoda ka dhici doono bisha dambe Nov.

Filmka The Sky Is Pink waxaa Director ka ah Shonali Booze halka ay la jilayaan Farhan Akhtar iyo Zaira Wasim waana mashruuc ka hadlaayo arimaha qoyska ayadoo la daawan doono sanadka dambe 2019.

Fadlan halkaan hoose ka daawo sawirada Priyanka Chopra laga soo qabtay subaxan xili ay wadooyinka Mumbai kusugneed kuna jirtay duubista filmkeeda The Sky Is Pink..