Priyanka Chopra Xitaa Shah Rukh Khan Wey Soo Jiidatay Iyo Xiriirkii Qarsoodida Ahaa Halkuu Ku Dhamaaday!!

 

Bollywood King khan AKa Shah Rukh Khan ayaa xiriir qarsoodi ah hada kahor la sameyay gabadha quruxda badan ee Priyanka Choprka.

King Khan ayaa xidigtaan ka helay marka ay la sameesay labada filim ee taxanaha Don kadib waxaa dhacday in SRK uu xitaa filim soo saarayaasha kala hadlo inay Priyanka filimo tayo wanaagsan u dhiibaan.

SRK iyo Priyanka xiriirkooda wuxuu gaaray heer ay waqti wacan wada qaataan weliba xitaa Priyanka xafiiska gaarka ah ee SRK marar badan ayay ku gaartay labadooda oo kaliya ilaa xili habeenkii waqti dambe ilaa 3:00 habeenimo.

SRK waxaa la tagtay soo jiidashada dheeraadka ah ee Priyanka u tustay balse markii dambe xidigaan sheekada ayaa la xumaatay madaama xaaskiisa Gauri Khan ogaatay!

SRK xaaskiisa ayuu cafis weydiistay kadibna Priyanka ayuu xiriir u jaray ilaa haatana islama shaqeeyaan inta badana wuxuu ka dheeraadaa xidigtaan inay usoo dhawaato ama is arkaan.

Waana Sababta Kaliftay inee goobaha caanka ah sida xaflada isku inkiraan sido kalena SRK mashraaci kala duwan ayuu PeeCee darteeda oga baxay.