Priyanka Oo Magaceeda Baraha Bulshada Bedeshay “Priyanka Chopra Jonas” Ayaa Loogu Yeeri Doona Hada Kadib!!

Waxaa si rasmi ah loo xaqiijiyya in atirishada Priyanka Chopra magaceeda baraha bulshada bedeshay markii hore waxuu ahaa Priyanka Chopra balse hader magaca Jonas ayee kudartay maadama seygeeda Nick Jonas yahay.

Sidaan idiin la wadaagnayba atirishada Priyanka Chopra hader waxay noqotay Mrs Jonas maadama ay u dhaxdo fanaanka caanka ah Nick Jonas kaaso xidigtaan guursada 1 iyo 2 December sanadkaan.

Priyanka hadal heynta arooskeda waa mid si weyn baraha bulshada u sameeyay labo aroos ayee xidigtaan gashay taaso atirishooyin badan dheertahay waxay 1 Dec dhigatay aroos qaab kirishtaan ah u dhacay.

Iyo 2 Dec oo ay dhigatay aroos qaab hindu ah udhacay inaba caadi ma ahan dhalaalka xidigtaan ka muuqday labadeeda aroos xitaa Deepika iyo Sonam oo arooskoda la buun buuninayey Priyanka aya ka sare martay.

27 December ayee New York u duuli doonan lamaanahan halkaas oo ay ku aqal gali doonan bishooda malabka dhamaadka Janaayo 2019 ayeena dib ugu so noqon doonan India balse 15 December ayee Mumbai xaflad weyn kudhigan doonan Nickyanka.

Hadaba atirishadan ayaa Priyanka Chopra Jonas la baxday magaca seygeedana qaadatay balse waxaa la yaab ah in Deepika ay kaga hormartay sababto ah Deepika wali magaca Singh si rasmi ah uma qaadan baraha bulshadana kuma shaacinin PeeCee reer Jonas ayee kamid noqotay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*