Qaar kamid ah jawaabihii ugu waaweynaa ee dadka qaar la siiyay kuwaasoo gabi ahaanba dadkii maqlay ka yaabiyeen. Qeybtii 3aad.

Inta badan waxaan la kulanaa nolol maalmeedkeena su’aalo badan kuwaasoo qaarkood yihiin su’aalo doqonimo ah qaarkalana ay yihiin wax lala yaabo.

Su’aalahaas oo badanaa ah kuwa aan laga fiirsan ayaa qofka la weydiiyo badanaa dhib ku keento lkn dadka qaar ayaa waxay bixiyaan jawaabo madaafiic ka culus mararka qaarna aanba laga soo waaqsan Karin.

Shalay waxaan idiin kugu soo qornay qeybtii 2aad qaar kamid ah jawaabaha taariikhaha galay, hadana qeybta 3aad ayaan soo qori doonaa.

 

10-nin ayaa naagtiisa ku yiri Alle ma abuurin qof aan adiga kaa jeclahay markaas ayay ugu jawaabtay ana ma jiro qof aan adiga kaa necbahay.

Markaas ayuu ugu jawaabay “waxaa mahad leh allihii xaas iiga dhigay naagta aan jeclahay adigana kugu imtixaamay ninka aad ugu necebtahay”

 

11-imaamu Shucbi ayaa waxaa la weydiiyay sheydaan naagta uu qabo magaceeda.

Markaas ayuu ku jawaabay “arooskiisa xitaa kama warheyno”

 

12-nin gabyaa ah misna aftahan ahaa ayuu ninkale ku dhahay asoo rabo in gabyaaga liido ku dhahay “cunto kariyaha ayaa umado u roon kana fiican gabyaaga oon waxba laga faa’iidin”

Markaas ayuu gabyaagii ku jawaabay “fikradaas eeyaha oo kaliya ayaa aaminsan”

 

13-nin sheekh ahaa oo jiran ayaa waxaa soo booqday nin kale wuxuuna ku dhahay cudurka hada ku haayo waxaa sanadkii hore u dhintay qof hebel labo sano kahorna nin hebel ayaa u dhintay wuxuuna uga sheekeeyay cudurkaas dadka u dhintaan.

Markuu bixi rabay ayuu wuxuu sheekhii ku dhahay sheekhow ii dardaaran.

Markaas ayaa sheekhii ugu jawaabay “qof buka hadaad booqato ha uga sheekeyn dad geeriyooday hadaad naga tagtana hanagu soo laaban”

 

14-nin ayaa maalin naag ku dhahay Alla maxaad qurux badantahay, markaas ayay ku dhahday “fiicnaan laheydaa hadaad adna qurux badnaan laheyd sidaan oo kale ayaan kuu amaani lahaa”

Markaas ayuu ku dhahay “dhib malahan sideyda oo kale been isaga sheeg”

 

La soco qeybta 4aad oo xiiso leh.

 

Haddii aadan aqrisanin qaybtii kowaad maqaalkan fadlan RIIX HALKAAN

Haddii aadan aqrisanin qaybtii labaad maqaalkan fadlan RIIX HALKAAN