Qaar kamid ah jawaabihii ugu waaweynaa ee dadka qaar lasiiyay kuwaasoo gabi ahaanba dadkii maqlay ka yaabiyeen (qeybtii 2aad).

Inta badan waxaan la kulanaa nolol maalmeedkeena su’aalo badan kuwaasoo qaarkood yihiin su’aalo doqonimo ah qaarkalana ay yihiin wax lala yaabo.

Su’aalahaas oo badanaa ah kuwa aan laga fiirsan ayaa qofka la weydiiyo badanaa dhib ku keento lkn dadka qaar ayaa waxay bixiyaan jawaabo madaafiic ka culus mararka qaarna aanba laga soo waaqsan Karin.

Shalay waxaan idiin soo qornay qaar kamid ah jawaabaha taariikhaha galay, hadana qeybta 2aad ayaan soo qori doonaa.

5-al-mutanabi wuxuu ahaa gabyaa caan ah markaas ayaa maalin nin ku dhahay asoo rabo inuu dhibo “markaad xaga kasoo socotay naag ayaan kuu maleynaayay”

Balse wuxuu ugu jawaabay “ana markaan xaga kasoo socday nin ayaan kuu maleynaayay”

6-naag ayaa waxay guursatay nin indhool ah markaas ayay ku tiri “hadaad cadaanteyda iyo quruxdeyda arki laheyd waad la yaabi laheyd lkn waan ka xumahay indhool ayaad tahay oo waxba ma aragtid”

Wuxuu ugu jawaabay “hadiiba hadalka aad leedahay run yahay kuwa indhaha leh iima kaa dhaafeen”

7-sheekh Axmed Diidaat oo aduunka caan ka ah ayaa asiga oo maalin dood kula jiro koox gaalo ah ayaa mid kamid ah mulxidiintii ku yiri “siduu dareenkaaga noqon doonaa markaad dhimato kadib oo aad ogaato in wax qiyaamo iyo aakhiro la dhahaa aysan jirin?”

Wuxuu ugu jawaabay “kama xumaanayo dareenkeyga sida uu kaaga noqonaayo markaad ogaato in aakhiro xaqiiqo tahay”

8-malik Feysal bin Cabdulcasiis oo ahaa boqorkii sacuudiga sidoo kalana ahaa boqor wanaagsan ayaa madaxiisa cirro kasoo baxday oo cadaaday halka garkiisana uu madow ahaa markaas ayaa la weydiiyay “sidee ku dhacday in madaxaaga cadaado iyadoo garkaaga madowyahay?”

Wuxuu ku jawaabay “waayo timaha madaxeyga waxay 20 sano ka weynyihiin timaha garkeyga”

9-Marlin naag la dhihi jiray misna qurux badneyd ayaa waxay Alberto Einistein ku tiri “kawaran hadaan is guursano aan dhalno wiil sidaada u caqli badan sideyda oo kalana u qurux badan?”

wuxuu ugu jawaabay “kawaran hadii aad dhashid wiil sidayda oo kale u fool xun sidaada oo kalana u doqonsan?”

La soco qeybta 3aad oo xiiso leh.

Haddii aadan aqrisanin qaybtii kowaad maqaalkan fadlan RIIX HALKAAN