Qaar kamid ah jawaabihii ugu waaweynaa ee dadka qaar lasiiyay kuwaasoo gabi ahaanba dadkii maqlay ka yaabiyeen.

Inta badan waxaan la kulanaa nolol maalmeedkeena su’aalo badan kuwaasoo qaarkood yihiin su’aalo doqonimo ah qaarkalana ay yihiin wax lala yaabo.

Su’aalahaas oo badanaa ah kuwa aan laga fiirsan ayaa qofka la weydiiyo badanaa dhib ku keento lkn dadka qaar ayaa waxay bixiyaan jawaabo madaafiic ka culus mararka qaarna aanba laga soo waaqsan Karin.

Waxaana halkaan idiin kuugu soo qori doonaa qaar kamid ah jawaabihii ugu caansanaa ee taariikhda galay.

 

1-Bernard Shaw wuxuu ahaa qoraa caan ah,  maalin ayaa mid kamid ah qorayaashii tartanka kula jiray damcay inuu ka xanaajiyo ama liido asigoo ku dhahay “ aniga ayaa kaa fiican waayo adiga waxaad wax u qortaa adigoo lacag raadinaayo, lkn aniga waxaan wax u qoraa anigoo sharaf raadinaayo”

Jawaabtii uu Bernard bixiyay ayaa noqotay midaan la fileynin asigoo si dagan u dhahay “ waa runtaa, midkasta oo naga mid ah wixii ka maqan ayuu raadiyaa”

2-Bishaar bin Bardi wuxuu ahaa gabyaa aftahan ah lkn indhool ah wuxuuna noolaa xiligii dowladii Umawiyiinta iyo dowladii cabaasiyiinta u dhaxeysay.

Maalin ayaa mid weydiiyay “ilaahay qofna indhool kama dhigin ilaa badalkiisa ayuu siiyaa ee adiga maxaa laguugu badalay?”

Wuxuu ugu jawaabay “ilaahay wuxuu iigu badalay inaan nuucaada oo kale arkin”.

3-kulligeena waa naqaanaa ninka la yiraahdo Juxa oo aan maalinkasta sheekooyinkiisa qosolka badan maqalno wuxuuna ahaa nin qosol miiran.

Hadaba maalin ayaa asigoo dameer saran wuxuu soo maray meel dad fadhiyaan, nin dadkii meesha fadhiyay kamid ah ayaa wuxuu damcay in juxa dhibo oo liido wuxuuna ku dhahay “Juxow markaad xaga soo socotay dameerkaaga waa gartay lkn adiga waan ku garan waayay”

Juxa ayaa markaas ugu jawaabay “waa runtaa ileen dameerada iyagaa iska keen yaqaanee”

4-Albert Einstein oo ahaa caalimkii weynaa misna masalooyinka looga haray iyo xisaabaadka ayaa hada kahor tagay maqaayad balse wuxuu iska soo iloobay ookiyaalkiisii oo la’aantiisa uusan waxba arkin.

Markii uu maqaayadii fadhiistay ayaa waxaa u yimid kabal yeeri asigoo u keenay warqadii ay cuntooyinka maqaayada laga heli karo ku qornaayeen.

Maadaama caalimkii weynaa eeAlbert Einstein uusan ookiyaalo wadanin wuxuu kabalyeerigii ka dalbaday in uu u akhriyo waxa warqada ku qoran.

Markaas ayuu kabalyeerigii ugu jawaabay “mudane iga raali noqo aniga jaahil adigoo kale ayaan ahay mana aqaano sida wax loo akhriyo”

Jawaabta kabalyeeriga ayaana kaliftay in Albert Einstein qosol dartiisa kursiga ka dhaco.

La soco qeybta labaad oo xiiso leh.

2 Comments

Comments are closed.