Qaarkamid ah jawaabihii ee dadka qaar la siiyay kuwaasoo gabi ahaanba dadkii maqlay ka yaabiyeen. (qeybtii 4aad).

Inta badan waxaan la kulanaa nolol maalmeedkeena su’aalo badan kuwaasoo qaarkood yihiin su’aalo doqonimo ah qaarkalana ay yihiin wax lala yaabo.

Su’aalahaas oo badanaa ah kuwa aan laga fiirsan ayaa qofka la weydiiyo badanaa dhib ku keento lkn dadka qaar ayaa waxay bixiyaan jawaabo madaafiic ka culus mararka qaarna aanba laga soo waaqsan Karin.

Shalay waxaan idiinkugu  soo qornay qeybtii 3aad qaar kamid ah jawaabaha taariikhaha galay, hadana qeybta 4aad ayaan soo qori doonaa.

 

15-nin waalan ayaa hada kahor loogu yeeray inuu khamri cabo,  markaas ayuu dhahay “qofka caqliga leh wuxuu khamriga u cabaa si uu aniga isugu key akeysiiyo, marka hadaan aniga khamriga cabo yaan isku ekeysiinaa?”

 

16-ninka la yiraahdo Ashcab wuxuu ahaa nin hunguri weyn oo cirweynidiisa tusaale la isugu soo qaato.

Hada kahor ayay naag ku dhahday ashcabow faraantigaada isii si aan kuugu soo xusuusto.

Wuxuu ugu jawaabay “waxaad igu soo xusuusataa inaad faraanti I weydiisatay aan anna kuu diiday”

 

17-nin ayaa hada kahor wuxuu nin bakheyl ahaa ku yiri “war ninyahow martiqaadyada aad sameyso iigama wacdided maxaa dhacay?”

Wuxuu bakheylkii ku jawaabay “waayo adiga afka ayaad buuxsataa, horayna ka laqdaa, cantuuga markaad cuntana tii labaad ayaad ka dabo geysaa”

Markaas ayuu ninkii ku jawaabay “oo ma waxaa rabtay labo cantuugo kastaa inaan labo rakaco suno u dhaxeysiiyo?”

 

18-Juxa ayaa hada kahor wuxuu kireystay guri wuxuuna ahaa guri ay jiingadiisa aad u hooseyso sidoo kalana is garaacdo markaas ayuu milkiilihii guriga ku yiri “war ninyahow jiingadaan habeenkii garaaceeda kama seexan karnee inaga hagaaji”

Ninkii ayaa ku jawaabay “garaacaas wax weyn ma ahan kaliya waa tasbiixda jiingada ee waxba ha u arkin”

Juxa ayaa markaas yiri “war waa runtaaye waxaan ka baqayaa in siduu tasbiixda u wado khushuuco kadibna nagu soo sujuudo ee naga hagaaji”

 

19-nin Cuthmaan bin Daraaj la dhihi jiray baa asiga iyo wiilkiisa oo maalin wada fadhiyaan waxaa soo agmaray meyd lawado waxaana meydka la socday naag ooyneyso isla markaasna leh “maanta ayaa waxay ku geynayaan guri aan firaash laheyn, dabool, baad iyo biyo midna oolin”

Markaas ayaa wiilkii yaraa yiri “aabow wlhi gurigeena ayay u socdaan”

 

20-imaamu Shucbi oo ahaa imam weyn misna aftahan ah ayaa hada kahor waxaa yimid nin wuxuuna ku yiri “sheekhow waxaan guursaday naag kadibna waxaan ogaaday inay jiis tahay  ee ma iska furaa?”

Imaamu Shucbi ayaa markaas ku jawaabay “hadii aad rabtay naagta iney tartan orod kaala qeyb gasho iska fur”.

 

La soco qeybta 5aad oo xiiso leh.

 

Haddii aadan aqrisanin qaybtii kowaad maqaalkan fadlan RIIX HALKAAN

Haddii aadan aqrisanin qaybtii labaad maqaalkan fadlan RIIX HALKAAN

Haddii aadan aqrisanin qaybtii sadaxaad maqaalkan fadlan RIIX HALKAAN