Qalbi Wanaaga Alia Bhatt: Atariishada Alia Bhatt Ayaa Shaqsi Ka Mid Ah Shaqaalaheeda Siisay Lacag Dhan Rs 50 Lakh

Alia Bhatt waxa ay ka mid tahay atariishooyinka ugu mushaarka badan bollywoodka hadeysan ahayn tan ugu mushaarka badan bollywoodka

alia waxa ay kusoo caan baxday filimka Student Of The Year sanadkii 2012 iyadoo dhawaan waxa ay u dabaal-dagaysay dhalashadeeda 26 iyadoo dhalatay 15 march 1993

haddii si toos ah loo gudo-galo nolosha Alia Bhatt waxa ay atariishadan lagu tilmaama inay tahay shaqsi wanaagsan taaso ixtiraamta dadka

Alia Bhatt markii usbuucan u dabaal-dagaysay dhalashadeeda ayaa waxa hadiyad qaas ah gudoon-siisay dhamaan shaqaalaheeda ha noqdaan sida dareewalkeeda Sunil ama kuwa gurigeeda ka shaqeeya kuwa cunto karinta ama kuwa nadaafada iyadoo siisay lacag badan taaso lagu sheegay 50 lakh

waana dhacdo si weyn ula yaabayn saxaafada dalka india maadama aan hore loo arkin aktar ama atariisho kuwaaso shaqaalahooda siinaya abaal-marin intan la eg waana mid Alia Bhatt ay kaga duwan tahay aktarada kale dhanka naxriista dhanka naxriista