Qisadii Jaceyl Ee SRK Iyo Gauri Khan: Dhibka Uu U Maray Helitaanka Jaceylkiisa Guurka Gauri Oo La Diiday Iyo Diinta Ay Isku Guursadeen (+Sawiro)

Kusoo Dhawaada  Aqristayaasheen  qiimaha  badan  qeybta  labaad  ee  maqaalkeena  aan kaga  hadlaynay  Qisadii jaceyl  ee  Shah Rukh Khan  iyo  xaaskiisa  Gauri Khan.

Qeybta  koowaad  ee  maqaalkeen  wuxuu  noo  maraayay SRK  ayaa  la  kulmay  lama  filaan naxdin  ah  maadaama  Gauri  Mumbai  isaga  tagtay  iyada oo  aan wax u  sheegin  jaceylkeeda  iyo  asxabteeda fadlan hoos kaga bogo maqaalkeena qeybtiisa 2-aad.

SRK iyo dhibka uu u maray helitaanka jaceylkiisa

Shah Rukh khan  markii  jaceylkiisa  meel  cidlo  ah  kaga  tagtay  waliba  iyadoo  dhalasheeda  ah  wuxuu  dareemay murugo  badan  iyo  xanuun jaceyl  maadaama  ka  tagtay  gabadha  uu  sida  waalida  ah u  jeclaaday.

SRK  wuxuu  ahaa  qof  aad  ugu  dhow  hooyadiisa  wuxuuna u  sheegay  wax  walbo  oo  dhacay  waxayna  ku waanisay  in  uusan  niyad  jabin  marnaba  sidoo kale  raadiyo  jaceylkiisa  xitaa  waxay  siisay  lacag  10 kun Rupee  si  uu  helo  jacelkiisa  ka dib  Srk  wuxuu  isku  wacay  dhamaan  asxaabtiisa  waxay  si  wadajir  ah  Gauri  ugu raadiyeen  magaalada gees ka gees laakiin Gauri lama helin.

Ka dib Srk ma niyad jabin ugu danbeyn wuxuu ka helay iyadoo jeegto xeeb markay is arkeen midba midka kale ayuu si jaceyl ah u fiirinaayay waliba wey wada ooyeen waqtigaas qof walbo wuxuu go’aansaday in midba midka kale uusan ka maarmin.

Labadaan  lamaane  oo  si  lama  filaan  ah  isku  arkay  waxay  go’aan  ku  gaareen  in  ay  is  guursadeen  maadaama  si saaid  ah  isku  jacel  yihiin  waana  meesha  uu  ka  bilawday  in  guurka  la  qaban  qaabiyo.

SRK oo loo diiday Gauri maadaama uu yahay Muslim iyo diinta ay isku guursadeen

Srk  iyo  Gauri  markay  go’aan  ku  gaareen  inay  is  guursadaan  dhib  ayaa  soo  wajahay  maadaama  Shah Rukh Khan  uu  Muslim  yahay  halka  Gauri  Hindu  tahay  sidoo kalena  aabaheed  waa  qof  ku  dhegan  diintiisa  oo  xitaa  guriga  mandir  ugu  yaaalo.

Dhinaca kale  Shah Rukh Khan  qoyskiisa  Muslim  ayay  ahaayeen  laakiin  Srk  si  uu  Gauri u helo  wuxuu  sameeyay in  magac  Hindu  uu  baxsado  si  ay u aqbaleen qoyska Gauri.

Ugu  danbeyn  Srk  markii  la  ogaaday  inuu muslim  yahay  waa  loo diiday  Gauri  laakiin  wax  walbo  oo  dhaco ugu  danbeyn  Srk  iyo  Gauri  wuxuu  guurkooda  dhacay  October 25, 1991  wuxuuna ahaa  guur  Hindu ah.

Waxaana la sheegay  guurka  Hindu  ka  dib in ayagana  guur  Muslim  ah  dhigteen  laakiin  xaqiiq  lama  heeyo  hada  ka  hor  Srk  wuxu  sheegay in  guurkiisa  uu  ahaa  Hindu.

SRK Iyo Xaaskiisa Gauri haatan waa qoys farxad ku nool

Super Star  Shah Rukh Khan  iyo  xaaskiisa Gauri Khan  haatan  waxaa u  joogo  labo  wiil  iyo  hal  gabbar  Aryan Khan,  Abram Khan,  iyo  Suhana Khan  waana  qoys  farxad  ku  nool.

Dhamaad