QISO XANUUN BADAN :Waa Wiil Yar Hooyadii Dhimatay Muxuu Kala Kulmay Waxbarashadiisii

Wiilkan oo Lagu Magacabo Teddy, had iyo jeer waxaa Ka Muuqda Daruuf, aqoontiisa aad ayey u hoosaysaa, had iyo jeer Asiga ayaa isku maqan oo wuu fakeraya macalimadisa schoolku xukunkan ay  dusha ka saartay iyadoo markasta u aragto mid liita waa aragti ay ka dhaxashay inta ay wax u dhigaysay, sababtoo ah had iyo Jeer  lama ciyaaro aradayda, muuqaalkiisa guudna waa mid aad u liita, had iyo musqusha ama suuliga ayuu u cararaa.

Murugada ka muuqata awgeed ayey macalimadu bilowday inay baarto xogihii isaga maclimiintiisa hore ay ka diiwan-geliyeen

marka ay buugiisa iyo waraaqahiisa imtixaanka saxayso qalinka cas ayey u badisaa, waxayna ugu qortaa  warqad kasta.

Xaaladda wiilku ku sugan yahay markay aragtay ayey maalintii danbe waxay codsatay
iyo warbixinahii laga qori jiray sannadadii hore , waxayna guda gashay in ay ka soo bilaawdo sanadkii uu ku jiray fasalka koowaad, iyada oo akhrineysa ayaa waxa ay aragtay arrin ay qaadan weyday.

Macalinkiisii sanadkii koowaad waxa uu ka qoray Teddy, waa wiil caqli badan, oo dadaal badan ilaahay siiyey, shaqada loo diro si wanaagsan u qabta, si wanaagsan u habeeya casharka loo dhigo Macalinkii Fasalka Labaad ayaa isaguna waxa uu ka qoray warbixin ka hadleeysa Teddy waa Wiil wanaagsan oo ay jecel yihiin saaxiibadii, hase yeeshee wer-wer iyo wal-bahaar ayaa ku dhacay ka dib markii hooyadii cudurka Kansarku ku dhacay.

Macalinkii Fasalka Sadexaad ayaa isaguna waxa uu ka qoray, Teddy geerida hooyadii waxay u taabatay si adag, wuu dadaalay laakiin aabihii ma ahayn mid daryeela wiilka  xaaladda gurigooda ama Noloshooda ka jirta Waxaana ay raad weyn ku yeeltay Teddy Halkaa markay warbixinihii macalimada la marayaan ayey ogaatay ay garawsatay Dhibka jira, waxayna dareentay in ay ku xad gudubtay wiilka,wayna isku Xishootay oo is canaanatay.

Xaalku macalimadu wuxuu ugu darnaa markii ardaydii ay hadiyado waraaqo qurux badan u keeneen, marka laga reebo wiilka Teddy, oo isagu ku soo duuduubay waraaqaha caadiga ee dukaamadu dadka adeega ugu laabaan.

Arrintaasi macalimadii raad ayey ku reebtay ardaydiina waxay galeen in ay ku qoslaan Teddy iyo hadiyadiisa foosha xun, hadiyada
waxay ahayd silsilad yar oo qoorta la surto iyo quraarad ama dhalo cadar ah
Si lama filaan ah ayaa ardaydii qosolkii u joojiyeen markii ay macalimadii hadiyadii ka guddoontay Teddy ,

isla markaana u sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay, si diiranna ugu mahad celisay, way xiratay silsiladii yarayd markiiba, cadarkiina way isku shubtay, ”buufisay

Wixii maalintaas ka danbeeyey Teddy marka iskuulka laga baxo toos gurigooda uma tagi jirin, wuxuu sugi jiray intay macalimadiisu soo baxayso, maalintii danbe ayuu ku yiri “waxaan kaa urinayaa hooyaday, oo aan kaa dareemayaa,

markii uu intaas ku yiri macalimadii Way ooyday oohin ayaa indhaheeda ka soo daatay, waayo Teddy wuxuu u sheegay in Cadarkii Haafka ahaa ee uu hadiyadda ugu keenay in hooyadii isku shubi jirtay, meelna uu u dhigtay Xasuus ahaan sidaas daraadeedna markii ay macalamidiisii isku shubtay uu soo xasuustay Caraftii hooyadii.

Maalintaa wixii ka danbeeyey macalimadii waxay guda gashay in ay aad u daryeesho Teddy wuxuuna bilaabay Teddy in uu dadaalkiisii dib u soo celiyo murugadii iyo walbahaarkiina yaraado, sanad dugsiyeedkii markuu dhamaaday Teddy wuxuu ka mid ahaa ardaydii u darajada saraysay.

Teddy sanad dugsiyeedkii markuu dhamaaday wuxuu u qoray macalimadiisi warqad uu mahad celinayo uguna sheegayo in ay tahay macalimadii ugu wanaagsanayd ee soo marta  intuu waxbarashada ku jiray, waxayna macalamadisii ugu jawaabtay warqad kale oo ay u mahad celinayso, waxayna ugu qortay,

waxaad i bartay sidaan u noqon lahaa macalim wanaagsan, oo daryeesha aradayda.soo dhacday warqad casuumad ah in ay ka qayb gasho xaflad qalin jabin ah oo lagu qabtay  jaamacadda gaar ahaan kuliyadda Caafimaadka waxayna uga timid Casuumadda Teddy Waa xafladisii qalin jabinta.

Macalimadii iyada oo ku labisan hadiyadii silsiladii yarayd ee Teddy u keenay ayey ka soo gashay xafladii qalin jabinta ardaygeedii Teddy.

Teddy wuxuu noqoday Dhakhtar caan ah oo ku takhasusay daaweynta cudurka kansar
cudurkii hooyadii u dhimatay.