Qiyaasta xili hore Kesari oo tijaabada Isniinta ka gudbay Kani waa Hit

Superstar Akshay Kumar filimkiisa Kesari ayaa subaxdii maanta ku furmay 15% waana bilaabasho gaabis ah balse loogu garaabi karo maalin shaqo inay tahay sidoo kalena maalintiisa shanaad uu masraxa saaran yahay tahay.

isagoo duhurkii iyo galabkii gaaray xiliga Hindiya sare u kac fiican isagoo gaaray  25% ilaa 30% halka caawa fiidkio uu sameeyay sare kac weyn maadaama uu gaaray 44-45% waana mid muujinaysa in filimkan hadda uu yahay mid guuleystay kaliya ay u dhiman tahay inuu ku dadaalo sidii hit u noqon lahaa maadamaa uu ka gudbay tijaabadii ugu cuslayd isagoo kaliya sameeyay hoos u dhac 35% marka loo fiiriyo ganacsigiisa maalintii jimacada waana hoos u dhac la aqbali karo

iyadoo shabakada boxx office india si hordhac ah u sheegay inuu filimkan keeno doono ganacsi u dhaxeeya 8.5 ama 9 crore kaliya waa qiyaas ee maaha mid rasmi ah waana ganacsi weyn maadamaa maanta ay tahay maalin shaqo inuu ganacsigan sameeyo waa mid u muuqda in filimkan uu dhawaan ku talaabsan doono wadadii uu hit ku noqon lahaa

F-G: waxaan hambalyo leenahay Akshay Kumar Iyo Kooxdiisa filimka Kesari