Qodobka 10-aad: Aditya Pancholi Oo Qamriga Iska Badiyay Gacan-qaad Iyo Aflagaadana Isugu Daray Waardiyaasha Hotel Uu Qamri Ka Cabaayey!!

Waxaa inoo soo socday maqaal taxano ah oo aan kusoo qaadaneynay 10-ka qodob ugu hadal heynta badnaayeen sanadihii ugu dambeyeen dhanka  Bollywoodka waaxana mareynaa lambar 10.

Intaas ayuu inoogu dhamaaday qodobadii iyo wararkii ugu hadal heynta badnaayeen waxaana kusoo qatimeynaa qodobka 10-aad oo aan kusoo qaadaneynoo jilaaga caanka ah Aditya Pancholi.

Adity Pancholi ayaa hada kahor baar dadka Dance iyo Qamri cabis u taagaan booqday kadib waxuu iska badiyay cabitaankii qamriga ahaa isagoo DJ-ga ama midka heesaha kontoroola ku amray inuu daaro heeso hindi ah xiligaasna dadka waxay ku raaxeysanayeen heeso English ah oo ay ku ciyaarayeen.

Aditya wixiisa dalab ma aheen amar ayee ahaayen oo qeylo la socota cidna hadalkiisa ma tixraacin balse qeylada ayuu badiyay isagoo cabsan kooxd ilaalada baarka ayaa isku dayeen inee banaanka u saaraan maadmaa foodadiisa badatay balse Mobile-kiisa gacanta ayuu wajiga kaga dhuftay mid kamid ah waaridyaasha baarka.

Dhaawac ayeena ku noqotay ninkii yaddii loo geestay intaas kuma ekaan wuu diiday in dibadda loo saaro isagoo xarbis iyo aflagaado bilaaway balse si qasab ah ayaa lagu wadday oo saldhiga Police-ka goobta u dhaweyd lagu geeyay inkastoo markii dambe damiin lagu soo daayey.

Sheekadan ayaa hadal heyn weyn abuurtay mudana la wad-waday Pancholi aflaamta kaliya qamri cabista kuma jili jirin ee nolosha dhabta ah waa jilaa qamriga badsado dabeecad kululna leh…

Dhamaad..

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin Oo Ku Dhufato Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah Kudhufo Mahadsanid…