Qodobka 7-aad: Atiriishada Gauhar Khan Oo Nin Ku Dharbaaxay Dadka Hortooda Kadib Markee Dhar Gaaban Soo Xiratay Iyadoo Gabar Muslimad Ah!!

Waxaan idin ogeysiinay inaan soo qori doono 10 kamid ah fadeexadihii iyo muranadii ugu waaweynaayeen ee Bollywoodka ka dhaceeyn 10-kii sano ilaa 15-kii sano ugu dambeysay anagoo qodob-qodob usoo qaadan doono.

Waxaan fileynaa in isla maanta aan soo qorno sheekadan taxanaha aan ka dhigeyna qodobka 7-aad waxaan kusoo qaadaneynaa atiriishada Gauhar Khan oo hada kahor meel dad badan buuxaan lagu dharbaaxay iyo sidee oga qaraacantay arinkaa..

Gauhar Khan waa atiriisho muslimnimo sheegato waxay hada kahor qabatay bandhig faneed show ah oo ay Tv u qabatay xili ay barnamijkeeda ku guda jirto masraxna saarantahay dad weyno badana daawanayaan ayaa waxa dhacday inuu nin kamid ahaa daawadayaasha uu xidigtaan dadka hortooda ku dharbaaxo.

Kursiga uu fadhiyay ayuu kasoo kacay misane si toos ah ayuu masraxee saarned usoo abaaray isagoo kaso dhex gudbay dhamaan xuduudii udhaxeysay daawadayaasha iyo masraxa waxuuna dharbaaxo kulul ku dhajiyay atiriishadan si lama filaan ah.

Dadkii oodhan ayaa kawada naxeen arinkaan sido kalena xidigtaan wey naxday oohin iyo nixitaan ayee isku dartay balse ninkaan Police-ka ayaa qabteen waxaana la weydiyay sababta waxuuna sheegay in ay akhlaakh daro weyn tahay gabar muslimad ah inee dhar sidaa u gaa gaabn soo xirato misane dadka hortoodo ku ciyaarto.

Ninkaan ayaa sheegay inee Gauhar Khan muslimad tahay anshax xumo weyna kudhaqaaqeyso maadama iyadoo muslimad ah dhar gaaban soo xiratay dadkana jirkeeda tuseysa waxuuna tilmaamay in midaas sharaf dhac weyn ku tahay diinta islaamka iyo dumarka muslimaadka oo xishood gooni ah leh balse tani xishoodkii ka tagtay sida uu sheegay ninkaan.

Arinkaan ayaa noqotay mid hadal heyn weyn dhaliso Gauhar Khan waa looga saxsanaa falka dharbaaxshadaasna dadka oodhan badankooda waxay lahaayen waa lagu yareeyay kabadan in lagu dhufto ayee ahed halka kuwa kalena ay iyada difaaceen..

Halkaan hoose ka daawo atiriishadan markii la dharbaaxay sida ay oga naxday arinkaan:

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin Oo Ku Dhufato Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah Kudhufo Mahadsanid…

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*