Qodobka Afaraad: Kareena Kapoor Sawir Looga Been Abuurtay Ayee Nafsadeeda Qatar U Gashay Kaaso Looga Soo Horjeeday Falka Ragga Muslimka Ah!!

Waxaan idin ogeysiinay inaan soo qori doono 10 kamid ah fadeexadihii iyo muranadii ugu waaweynaayeen ee Bollywoodka ka dhaceeyn 10-kii sano ilaa 15-kii sano ugu dambeysay anagoo qodob-qodob usoo qaadan doono.

Waxaan fileynaa in isla maanta aan soo qorno sheekadan taxanaha aan ka dhigeyna qodobka Afaraad waxaan kusoo qaadaneynaa atiriishada Kareena Kapoor sawir been abuur ah oo hada kahor laga faafiyay kaaso ay nafteeda ku weyn laheed.

Shabakada Himalaya Dhwani ayaa hada kahor Cover ka dhigatay sawir laga sameeyay atiriishada Kareena Kapoor oo dhinacna laga dhigay gabar hindu ah oo calaamadaha hindiga ka muuqdaan halka dhinac kalena laga dhigay gabar muslimad ah oo xijaab iyo indho-shareer xiran sida sawirka sare idiin kaga muuqda.

Ujeedada shabakadan sawirkan u sameeysatay waxay ahed waxay kasoo horjeedeen fikirka ah “Love Jihad” oo xiliyadaas India aad ugu badnaa waana arin Ragga muslimaadka ah ee reer Hindiya sameeysteen qorsha ah inee jaceyl ku abuuraan dumarka hindiya si ay diinta islaamka ugu soo xero galiyaan.

Hadaba dadka diimaha kale heestaan ayaa arinkaan kasoo hor yimaadeen xili xaaladan qasantahay ayee shabakadan adeegsatay sawirkaan iyagoo ka hor imaanaya fikirka Ragga Muslimka wateen ee ah LOVE JIHAD waxayna u adeegsaden sawirkaan mucaaradka muujinayaa atiriishada xiligaas Bollywoodka hogaamineysay Kareena Kapoor.

Waxaa la sheegay Kareena in nafsadeeda halis gashay oo waardiyo ama ilaalo qaas ah loo sameeyay maadama dad badan oo muslimiin reer hindiya ku kaceen inkastoo si fagaaro ah ay dhowr jeer u sheegtay in sawirkaas laga been abuuray arinkaan ayaa kamid ah hadal heynta Bollywoodka ugu waaweyn ee abid soo mareen.

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin Oo Ku Dhufato Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah Kudhufo Mahadsanid…

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*