Qodobka Koowaad: Shah Rukh Khan Vs Aamir Khan: Dagaalkii Qabooba Ee Xidigahan Dhexmaray Iyo Aamir Oo SRK Eey Ku Tilmaamay Si Dadban!!

Waxaan idin ogeysiinay inaan soo qori doono 10 kamid ah fadeexadihii iyo muranadii ugu waaweynaayeen ee Bollywoodka ka dhaceeyn 10-kii sano ilaa 15-kii sano ugu dambeysay anagoo qodob-qodob usoo qaadan doono.

Waxaan fileynaa in isla maanta aan soo qorno sheekadan taxanaha aan ka dhigeyna qodobka kowaad waxaan ku bilaaweyna Shah Rukh Khan iyo Aamir Khan dagaalkii qabooba hada kahor dhexmaray iyo Aamir oo sheekadan soo bilaaway.

Aamir Khan ayaa Twitter-kiisa hada kahor kusoo qoray oraahda,”Shah Rukh Khan lugaha ayuu iileefayaa ana buskud ayaan siinayaa balse sikale ha u fahmin SRK waa magaca eeygena guriga inoo jooga.”

Oraahday baraha bulshada si weyn ayee u saameysay taageerayaasha King Khan wey ka caroodeen Aamir ayeena ku kaceen xitaa caruurta SRK ayaa si weyn oga xumaadeen SRK oo Aamir u jawaabayo waxuu yiri,”Aamir waxuu gurigeyga ku lahaa 2 kamid ah taageerayaashisa dunida ugu waaweyn oo ah caruurteyda (Aryan iyo Suhana) balse nasiib xumo maanta kadib taageero uma ahan oo isaga aya iska lumiyay midaas.”

Aamir Khan oo saxaafada la hadlaayo kana falcelinaayo hadalka SRK waxuu yiri sido kalena saxaafada isla dhexmareysay inuu si qaas ah u raali gareeyay SRK,”horta aniga SRK ma raali gareynin balse caruurtiisa si weyn ayaan u raali gareeyay sheekadana wey soo af jarantay ma aqaan waxa loo wad-wado.”

Xidigahan oo kamid ah hogaamiyaasha Bollywoodka hader xiriirkooda waa mid heer sarre ah qofba qofka kalena si weyn ayuu u xushmeyaa inkastoo dagaal qaboow mar ka dhex dhashtay balse hada waa heshiis adiga se akhriste sidee kula tahay oraahda Aamir Khan iyo weerarka dadban uu ku qaaday SRK heer uu eey ku tilmaamay dadka qaar waxayba leeyihiin waxaaba qalad ah inuu eeygiisa SRK u bixiyo magac ahaan.

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin Oo Ku Dhufato Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah Kudhufo Mahadsanid…

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*